Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay tallaabadii DKMG ah ay kusoo xirxirtay shaqsiyaad lagu tuhmay xasuuq

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay tallaabadii ay dowlada KMG ah ee Soomaaliya ku xirxirtay dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen xasuuqii lagu dilay 15-kii bishan dad shacab ah oo ka qaybqaadanayay mudaaharaad nabadeed oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ee DKMG ah.

Warsaxaafadeedkan oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi ayaa lagu sheegay in jawaabta deg-degga ah ee ay DKMG ah ka bixisay falkaas uu shacabka Soomaaliyeed tusayo sida ay dowladda uga go’an tahay inuu dalka ka baxo isla xisaabtan la’aanta soo jirtay muddada 20-ka sano ah.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan kuna shaqeystaan ayna si nabad ah uga qaybqaadan karaan bannaabaxyada iyadoo aanay cabsi ku jirin.

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn xooggan u jeedisay falkaas, iyadoo tacsi u dirtay ehellada dadkii lagu dilay dhacadadaas oo ay ku tilmaameen inay ahayd mid fool xun oo laga naxo.

Hadalka xukuumadda Washington ayaa imaanaya iyadoo dowladda KMG ah ay xalay shaacisay inay shan qof oo uu ku jiro mas’uulkii hore ee gobolka Banaadir u soo xirxirtay dhadadii Talaadadii lagu dilay afarta qof ee shacabka ah, tirada intaas ka badanna lagu dhaawaacay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay taageero ka heshaa dowlado uu Mareykanka ka mid yahay, waxaana Washington ay noqonaysaa dowladdii ugu horreysay oo ka hadasha dhacdada iyo dadka loo xirxira

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s