Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland oo Ka Waramay Qorsheyaashiisa

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland oo dhowaan la wareegay xilkaas kadib markii uu magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay waxyaabaha u qorsheysan inuu ku talaabsado mudada uu xilka hayn doono.

Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo u waramaayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay ku dadaali doonto in ay kasoo baxdo waajibaadka iyo howlaha loo igmaday isagoo xusey in horumar ku talaabsan doonaan.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday dhowr qodob oo uu xilligaan doonaayo in wax laga qabto kuwaas oo ay kamid yihin;

In la raadiyo dhul beereed fara badan oo ku yaalla degaanada Puntland

In la gacan qabto oo la caawiyo dadka beeralayda ah

Wasiirka Beeraha ayaa tibaaxay in degaanada Puntland ay ku yaallan goobo fara badan oo ku haboon beeraha isagoo sheegay in muhiimada la saari doono sidii loo heli lahaa dhulkaas.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kor u qaadista dadka beeralayda,waxaana uu sheegay in Wasaaradda ay Beeralayda Puntland u qaban doonto tabbabaro ku aadan kor u qaadista xirfadahooda.

Ugu dambeyntii wuxuu amaan usoo jeediyey Wasiirki hore ee Wasaaradda Beeraha Xassan Cabdi Maxamed oo uu ku amaanay in wax badan uu qabtay muddada uu hayey xilka Wasaarada.

xigasho Horseedmedia.net

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s