War Deg Deg ah:Xusni Mubarak Oo Is Casilay

Madaxweyne ku xigeenka Masar, Cumar Suleiman, ayaa sheegay in Madaxweyne Xusni Mubaarak uu goostay in uu xilka ka dego. Waxaa awoodda la wareegaya, ayuu yiri, Golaha Ciidanka.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyada oo maanta ay boqollaal kun oo Masaari ahi ay isugu soo baxeen bartamaha Qaahira, Alexandria iyo Suez.

Waxay dalbayeen in Madaxweynuhu xilka ka dego. Mubark wuxuu ahaa sarkaal militeri oo shaqadiisa ku wanaagsan.

Ka dib waxaa loo magacaabay Madaxweyne ku xigeen.

1981 markii shirqool lagu dilay Madaxweynihii berigaas, Anwar Sadat, ayaa Mubarak uu noqday Madaxweyne.

Wuxuu ku sii socday siyaasadduii Madaxweynaha ka horreeyay oo ahayd inuu hirgealo heshiis nabadeed oo Masar ay la gashay Israel.

Arrintaa waxay Mubark ka dhigtay hoggaamiye ay aad isugu dhow yihiin Mareykanka, wuxuuna uga helay kaalmo militeri oo qiimaheedu yahay balaayiin doollar.

Wuxuu mamnuucay ururka islaamiga ah ee Akhwaan Muslimiin. Gacan bir ah ayuu dalka ku qabtay.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s