Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday xerada ciidanka daraawiishta DKMG ah ee magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo xubno wasiirro xukuumaddiisa ka tirsan ayaa maanta booqasho ku tagay xerada ciidanka daraawiishta DKMG ah ee magaalada Muqdisho, waxayna halkaas kula kulmay ciidammo iyo saraakiisha ciidanka.

Xubnaha ra’iisul wasaaraha ku wehliyay safarkiisa ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa ahna wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay salaan qaateen lix horin oo ka tirsan ciidanka daraawiishta, iyagoo kulan alabbaadu u xiran yihiin la qaatay saraakiisha ciidankaas, inkastoo aan la ogeyn wixii ay kulankooda uga hadleen.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhawaanahan sheegaysay inay waddo qorshayaal ay dib ugu qabsanayso magaalada Muqdisho oo dhan iyo gobollada ay ka taliso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Xukuumadda cusub ayaa sheegtay intii aan codka kalsoonida ah lasiin sannadkii hore inay wax kaga qabanayso ammaanka magaalada Muqdisho muddo 100-maalmood ah, waxaana muddadaas ka harsan 20-maalmood iyadoo aan waxba laga qaban ammaanka caasimadda.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s