Mubaarak oo ka hadlay xilliga uu ka degayo xukunka

Madaxwaynaha dalka Masar Hosni Mubarak ayaa sheegay in uu ka dagi doono xukunka balse taasi aysan dhacaynin ilaa laga gaaro dhamaadka xilligiisa.

Khudbad uu telefishinka qaranka ka jeediyay ayaa looga gol lahaa in lagu dajiyo xiisadda dibadbaxayo ballaaran oo dalbanaya iscasilaadiisa.

Waxaa Mr Mubarak uu sheegay in uusan xilka degi doonin ilaa laga gaaro bisha September.

Wuxuu sheegay in uu yeeli doono wax walba ee uu awoodo sidii loo xaqiijin lahaa in kala guur nabadgalyo ku dhaca, isagoo balanqaaday isbadal datuurka lagu sameeyo.

Hase yeeshee wuxuu kaloo dhaleeceeyay dibadbaxayaasha, isagoo sheegay in ay ka dambeeyaan khuwado siyaasadeed ayna qatar galiyeen xasiloonida dalka Masar.

Wuxuu ku soo gabagabeeyay in uu ku dhimanayo ciidda dalka Masar.

Jawaabo kala duwan ayaa dadku ka bixiyeen khudbadiisa.

Inta badan kooxaha mucaaradka ayaa ku tilmaamay mid lagu raadinayo hab waqtiga loogu sii dheeraysto, waxayna dalbadeen in uu xukunka ka dego.

Sidoo kale dadwaynaha ku dibadbaxaya fagaaraha Taxriir ayaa wali qaar badan ay halkaas ku sugan yihiin, iyagoo aan dhag u dhigaynin bandow magaalada la saaray.

Madaxwayne Obama oo hadlay markii ugu horaysay tan iyo markii madaxwayne Mubakar uu ku dhawaaqay in uusan mar kale isu soo sharaxaynin xafiiska, ayaa sheegay in loo baahanyahay in isbadal uu dhaco.

Wuxuu sheegay in aysan cidina door ku lahayn in ay badasho hogaankta Masar, balse isbadal waa in uu bilowdaa hadda kaasoo keena in doorashooyin xor ah oo cadaalad ku dhaca la qabto.

Wuxuu ammaanay dadwaynaha gaar ahaan dhalinyarada Masar iyo ciidamada oo uu sheegay waxay u dhaqmeen si shaqo-aqoon iyo wadaniyad leh, isagoo ku dhiirigaliyay in ay xaqiijiyaan in si nabadgalyo ah looga gudbi xilligan.

BBC

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a comment