Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegtay inay u aargudi doonaan dadkii shalay lagu laayay isbitaalka Banaadir

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa manata sheegtay inay u aargudi doonto dadkii uu askari ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya, shalay ku dilay iridka hore ee isbitaalka Banaadir, xilli ay dowladda  KMG ah sheegtay inay baaritaanka dhacdadaas u saartay guddi heer wasiir ah.

“Haddii, aad tihiin mujaahidiinta. Waxaa la idinka doonayaa inaad u hiilisaan oo aad u aar-gudaan dadka walaalihiin ah ee ay cadowgu laynayaan. Inaad u hiilisaan ma ahan mid ay idinka baryayaan ee waajib Alle idin saaray,” ayuu yiri afhayeenka guud ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id qabtay.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhacadii shalay ay ahayd xasuuq si cad loo geystay, isagoo shacabka ku nool deegaannada ay dowladdu maamusho ugu baaqay inay iska dulqaadaan cadowga, mujaahidiintuna ay diyaar u yihiin inay gacan idin siiyaan.

“Waxaan rabaa, inaan xusuusiyo dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan AMISOM iyo dowladda Soomaaliya dhibaatada lagu hayo, ayna ka mid tahay middii shalay ka dhacday isbitaalka Banaadir. Waxaa la idinka doonayaa inay idiin caddeyso dhagarta gaalada iyo kuwa gacanta siinaya oo aad iska dul-qaadaan,” ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu sheegay in ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ay markii hore dadka muslimiinta ah u dili jireen mid-mid, balse ay hadda bilaabeen inay si guud u dilaan, isagoo sheegay in taasina aysan ahayn mid loo dulqaadan karo.

“Gaaladu way caddeysateen, cadownimada ay idiin qabaan, idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad ogaataan taas, waayo waxay mar qura dileen 26-qof oo aan waxba galabsan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay shacabka ku nool deegaannada ay dowladdu maamusho,

Hadalka afhayeenka Xarrakatul Shabaab, ayaa imaanaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu sheegay inay u saareen guddi wasiirro ka kooban oo soo baara dhacadaas, iyadoo sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu sheegay in ciddii falkaas geystay sharciga lala tiigsan doono.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s