Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Soomaaliya,  Shariif  Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu kasoo qaybgalay shirkii ururka Midowga Afrika ee ka dhacay dalka Itoobiya.

Sheekh Shariif, ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Omaar, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Maxamed iyo saraakiil ka socotay xafiiska madaxweynaha.

Wafdiga madaxweynaha, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka  Shariif Xasan Sheekh Adan, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed  C/llaahi Farmaajo , wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiir u dowlaha madaxtooyada C/qaadir Macallin Nuur, xildhibaanno iyo saraakiil ka socoto xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyanah Soomaaliya, ayaa kasoo laabtay dalka Itoobiya, oo uu kaga qaybgalay saddex shir oo kala ahaa: shirkii Midowga Afrika, shir IGAD ay ka yeelatay arrimaha Soomaaliya iyo shir gaar ah oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya.

Shirarkaas ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay khudbado ku aaddan xaaladda dalka Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday ka hadlidda sidii wax loogu qaban lahaa xaaladda dalka oo soo taagnay muddo 20-sanno ah.

Madaxweynaha, ayaa ka codsaday madaxdii kasoo qeyb-galay shirarkaas inay dowladdiisa ka taageeraan sidii loo samatabixin lahaa dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladdu u soo celin lahayd ammaaka guud ee dalka Soomaaliya

HOL

Allcaseyr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s