War-murtiyeed looga hadlay Somaliya oo kasoo baxay kulanka M/Afrika

Ururka Midowga Afrika oo kulan ugu soo gaba gaboobay magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa ay kulankooda kasoo saareen war murtiyeed oo dhinacyada badan taabanayay islamarkaan ku saabsanaa arimaaha Soomaaliya.
War murtiyeedkaan ay soo saareen Madaxda Ururka Midowga Afrika oo koobnaa ilaa 5-beej ayaa qeyb ka mid ah waxaa looga hadlay arimaha Soomaliya, waxaana ka mid ahaa warmurtiyaadkaasi in la kordhiyo mudada barlamanka oo ku ekeyd 20-ka August 2011.

Sidoo kale War murtiyeedkaasi ayaa lagu xusay in dowladda KMG Soomaaliya ay sii xoojiso xiriirkii ay lalahayd Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo laga tixraacayo hishiiskii hore ee labada dhinac ay kuwada galeen magaalada Adis’baba ee Caasimadda dalka Ethiopia.

Warmurtiyeedka ayaa dowladda KMG Soomaaliay looga dalbaday inay sii wado xiriirkii ay lala hayd Maamulada Putnland, Somaliland iyo in lakordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya oo tiradoodu markii hore aheeyd 8-kun lana gaarsiiyo ilaa 20-kun oo askari, kuwaaasi oo laga keenayo qeybo ka mid ah dalalka Afrika.

War murtiyeedkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya looga baahanyahay inay caawiyaan dadka ku tabaalaysan gobolada dalka gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

Ugu dambeybn ayaa ayaa war murtiyeedkaasi lagu sheegay inay ay dhaweeyaan magacaabistii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya hase ahaatee waxaa ay hoosta ka xariiqeen in waqtiga yar uu u haray Xukuumadda dowladda Soomaaliya ay golaheeda wasiirada looga baahanyahay inay dhamaystiraan howsha u taala ee baaxadwayn leh.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s