Ciidamada Dowladda oo dad ku laayay magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tacashiirad maanta ka dhacday Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ay dowladda KMG ah ka maamusho magaalada.

Khasaara aad u xoogan ayaa ka dhashay rasaas ay ciidanka dowladda ku fureen goobo ganacsi oo ku yaal Isgoyska banaadir, dhimashada iyo dhaawaca ayaa sii cagacageynaya ilaa iyo 45 oo dhamaantood ahaa dadkii ku sugnaa goobaha ganacsiga iyo qaar wadada lugeynayay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askari katirsan ciidanka dowladda uu rasaasta ka dhacda qoriga lidka diyaaradaha ee Zuuga ku fooraariyay goob ay shacabku ku badanyihiin kadibna uu goobta ka baxsaday.

Sida wararku sheegayaan xiisad u dhaxaysay ciidamo kawada tirsan dowladda ayaa saaka ka jirtay isgoyska banaadir kadib markii Askari katirsan PS-ta uu toogtay Askari kale waxaana halkaasi ka dhacay wax u eg xasuuq oo ay ku kaceen ciidanka dowladda.

Saraakiisha caafimaadka ayaa soo weriyay in dadka dhintay ay sii caga cageynayaan 14 qof halka dhaawacu uu ka badanyahay 40 qof oo qaarkood dhaawacya culculus qaba, wasiirka arrimaha gudaha oo hadlay wuxuu sheegay in ay baarayaan sababta waxaasi u dhexeen wuxuuna ka gaabsaday in ay talaabo qaadayaan iyo inkale.

Muqdisho weli kama dhicin fal kan lamid ah oo ay koox kamida dhinacyada ishaya ugaysatay shacabka degan deegaanka ay maamusho marka laga reebo in madaafiicda AMISOM ay shacab badani ku dhintaan

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s