Xildhibaanno soo dhaweeyay go’aankii xukuumaddu u joojisay heshiis lala galay shirkadda Saracen International

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay go’aasn ay golaha wasiirrada DKMG ah ay ku joojiyeen heshiiskii lala galay shirkadda Saracen International, kaddib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leedahay shirkado calooshood u shaqeystayaal ah.

“Waxaan, soo dhaweynaynaa go’aankii ay xukuumadda KMG ah ay ku gaartay inay xiriirka ugu jarto shirkadda Saracen, kaddib markii ay soo baxeen inay xiriirro hoose la leedahay shirkado calooshood u shaqeytaal ah,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Shirkadda Saracen International, oo aan laga hayn xog rasmi ah oo ku saabsan cidda heshiiska la gashay, ayaa heshiiskeeda oo dhigayay inay tababarto ciidammada DKMG ah, gaar ahaan ilaalada madaxda dowladda, wuxuu socon lahaa muddo 10-sano ah.

“Xildhibaannada Baarlamaanku, waxay ka sugayaa wasiirka koowaad inuu sharraxaad ka bixiyo heshiisyo lala galay shirkado kale, maadaama Saracen ay xiriirka u jartay xukuumadda,” ayuu yiri mudane Cumar.

Wasiir wafaafinta, isgaarsiinta iyo boostada Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac, ayaa Jimcihii shalay u sheegay wakaaladda wararka AP, in golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, ay isku raaceen in la joojiyo heshiiskii lala galay shirkadda Saracen.

Dhawaan ayay ahayd, markii asaasihii shirkadda Blackwater Worldwide Mr. Erik Prince uu shaaciyay in shirkaddiisu ay qayb kala qaadanayso Saracen Inaternational tababarka la siinayo ciidammada dowladda KMG Soomaaliya.

Hol

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s