Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo sheegay in xilliga dowladdu ay shaqeysnayso ay ku xiran tahay shacabka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Oomaar, oo ku sugan dalka Itoobiya, ayaa sheegay Jimcihii shalay in xilliga shaqo ee dowladd Soomaaliya ay go’aan ka gaarayaan shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii Qarammada Midoobay

ay sheegtay in xilli loo kordhiyo DKMG ah uusan ahayn mid go’aan laga gaaray.Dowladda Soomaaliya, oo lagu dhisay dalka Jabuuti sannadkii 2009, ayaa xilligeedu wuxuu ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo dowladdu ay xilligaas sheegtay in labada sano ay ku sameynayso dastuur cusub, ayna qabanqaabinayso doorashooyin.

“Beesha calaamku, waxaan ka helaa taageero, waana uga mahadcelinaynaa, balse dhammaashaha xilliga xukuumadda, waxaa wanaagsanaan lahayd inay innaga nooga dambeyaan,” ayuu yiri Oomaar oo wariyeyaal kula hadlay magaalada Addis Ababa.

Hadlakan, ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadal uu dhawaan saxaafadda siiyay ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, oo ahaa inay ka fikirayaan marka uu xilliga dowladdu dhammaado go’aanka la qaadanayo.

“Innaga, ayay mas’uuliyad naga saaran tahay horu-socodkeenna iyo qorshayaasheenna, beesha calaamkuna waa taageerayaasheenna, balse uma hadli karaan shacbka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Oomaar.

Toddobaadkan ayaa lagu wadaa in shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay ka qaybgeli doonaan xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon iyo guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay, ay iyadu mas’uul ka tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo yiri:”Ma jirto cid aan ka rajeynayno inay dhibaatooyinkeenna xalliso, balse innaga ayaa xallin doona.”

Soomaaliya, waxaa ka taagan muddo 20-sano ah, dagaallo sababay inay dhintaan ugu yaraan hal milyan oo qof. Iyadoo sidoo kale ay jiraan abaaro dhibaatooyin kala duwan u geystay dadka ku nool deegaannada miyiga ah iyo dhulka beeraleyda ah.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s