Mubaarak oo kala Eryay Golihiisa Xukuumadda

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak ayaa ka soo muuqday telefishanka qaranka ee dalkaasi, wuxuuna kala eryay golihiisa xukuumadda, isagoona sheegay in dowlad cusub soo dhisayo.

Madaxweynaha 82 jirka ah oo dalkaasi muddo 30 sano ah xukumayay ayaa ku tilmaamay mudaaharaadyada shirqool lagu doonayo in carqalad lagu geliyo dalka Masar, isagoo wakhtiga u dheereeyay bandow lagu soo rogay dalkaasi.

Waxaa dhinaca kale magaalooyin waaweyn oo dalkaasi ka tirsan ay ka socdaan mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda. Dadkii mudaaharaadka sameynayay waxay dab qabadsiiyeen dhismayaal ku yaalla bartamaha magaalada Qaahira oo ay ka mid tahay xarunta xisbiga talada dalkaasi haya ee  NDP.

Aqalka Cad ee magaalada Washington ayaa ku booriyay dowladda Masar inay is xajiso oo ay u oggolaato dadka inay si nabad ah cabashadooda u muujiyaan.

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s