Madaxwaynaha Puntland Faroole oo wasiiro cusub soo magacaabay kuwa kalene xilalkii ka qaaday

Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay wasiiro cusub halka kuwa kalena xilalkoodi laga qaaday. Digreetadan ayaa soo baxday maanta oo jimce ah, waxaana is badal aad u balaaran lagu sameeyay liiska dhowr wasiir oo horay xukuumada Puntland uga tirsanaa. 

Wasiirada xilka qaadista lagu sameeyay ayaa kala ahaa:

1. Wasiirkii warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka – Cabdixakiim Axmed Guuleed
2. Wasiirkii shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga – Maxamed Nuur Caga-weyn
3. Wasiirkii beeraha iyo waraabka – Xassan Cabdi Maxamed

4. Wasiirkii duulista hawada iyo garoomada – Axmed Cilmi Cismaan Karaash 

Wasaaradahan ayaa loo kala magacaabay wasiirada soo socda:

1. Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka – Axmed Cali Askar
2. Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga – C/weli Xirsi Cabdulle
3. Wasaaradda beeraha iyo waraabka – Maxamuud Xaaji Saalax
4: Wasaarada duulista hawada iyo garoomada – Cali Axmed Gamuute

Docda kale , madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay wasiir ku-xigeeno, iyadoo wasiirada qaar la magacaabay ay horay xilalka kala duwan uga soo qabteen maamulka, waxaana wasiir-ku-xigeennada la magacaabay ay kala ahaayeen:

1. Wasiir-ku-xigeenka waxbarashada – Maxamuud Maxamed Idris
2. Wasiir-ku-xigeenka duulista dawada iyo garoomada – Faarax Seed Cilmi
3. Wasiir-ku-xigeenka degaanka, duur-joogta iyo dalxiiska – Burhaan Cilmi Xirsi
4. Wasiir-ku-xigeenka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga – Cismaan Cawad Cali
5. Wasiir-ku-xigeenka beeraha iyo waraabka – Axmed Cigaal Cawaale
6. Wasiir-ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka – Faarax Cali Cabdi

Waxaa la filayaa wasiirada la magacaabay in xilkooda ay la wareegi doonaan bisha kale ,waxaana madaxwaynaha uu saxiixay digreetadan uu kusoo magacaabay masuuliyiintan,iyadoo la dhaarin doono,waxaana la aaminsanyahay in isbadaladan ay sababi karaan hormar xaga shaqada ah .

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s