Dowladda Itoobiya oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya iyo Sheekh Shariif oo aqbalay magacaabiddaas

Safiirka cusub ee ay dowladda Itoobiya  u soo magacowday Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo warqadihii aqoosiga ku wareejiyay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaddib kulan ka dhacay xarunta Madaxtooyada.

C/casiis Axmed Aadan, oo ah safiirka cusub ee Itoobhiya ay u soo magacowday Soomaaliya ayaa xilligii uu socday shirkii Kenya, wakiil uga ahaa Soomaaliya, waxaan si rasmi ah marka loogu magacaabay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

“Maanta, waxaa Muqdisho soo gaaray safiirka cusub ee Itoobiya ay u magacowday Soomaaliya C/casiis Axmed Aadan, wuxuuna isla maanta ku wareejiyay warqadihiisii aqoosiga madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed,’ ayuu yiri xoghayaha joogtaa ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Xaaji Axmed Liibaan oo saxaafadda uga warbixiyay kulan dhexmaray Sheekh Shariif iyo safiirka cusub.

Xoghayuhu, wuxuu sheegay in safiiirkan cusub uu si rasmi ah maanta u noqday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, uuna ku shaqeyn doono Muqdisho, isagoo sheegay in dhawaan laga soo badalay dalka Ivory Coast oo uu safiir uga ahaa dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, oo hadal kooban jeediyay kulanka kaddib ayaa isaguna yiri: “Soomaaliya xilligan waxaa ka bilawday isbedel, taasna waxaa tuusaale u ah in waddamo fara badan ay hadda ka furteen safaarado, kuwa kalena ay daneeynayaan.”

Safiirkan, ayaa noqonaya kii labaad oo dowladda Itoobiya ay u soo magacowdo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii hore ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii , iyadoo ka furatay meel ku dhow madaxtooyada sannadkii 2007, xilligaasoo ay ciidammadeedu ku sugnaayeen Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay horay ugu magacowday Itoobiya safiir, kaasoo lagu magacaabo Siciid Yuusuf Nuur, kuna shaqeeya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo ay Soomaaliya daris yihiin.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s