Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku laabtay Muqdisho, kana warbixiyay safarradii uu dibadda kusoo maray

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyay safarro uu kusoo maray dalalka Mareykanka, Talyaaniga iyo Imaaraadka Carabta.

“Safarradeydu, waxay kusoo dhammaadeen guul,” ayuu yiri Famaajo, oo intaas ku daray: “Markii aan tagay New York, waxaan kulammo la qaatay xubnaha UN-ka sida xoghayaha guud Ban K-Moon, waxaana kala hadlay xaaladaha abaareed ee dalka ka taagan, waxayna ballanqaadeen inay gacan siin doonaan shacabka Soomaaliyeed.”

Mudane Famaajo, wuxuu sheegay in madaxdii uu la kulmay, ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen sida lagu gaarsiin karo gargaarka goobaha ay ka taliyaan Xarrakatul Shabaab, isagoo sheegay inuu ku jawaabay in marka hore xoogga la saaro goobaha ay dowladdu maamusho, markaas kaddibna loo gudbo goobahaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu u sharraxayay xaaladda ammaanka ee dalka, ayna u sheegeen inay diyaar u yihiin inay dowladda gacan ka siiyaan sidii ay ammaanka dib ugu soo celin lahayd.

“Talyaaniga iyo Imaaraadka oo aan safarradaydii labaad ku tagay, waxay ballan-qaadeen, inay gacan naga siinayaan wax walba oo aan u baahannahay, balse waxay nagu xireen inaan noqonno dowlad dadkooda u si daacad ah ugu shaqeeya, oo wixii lagu aamino toos u gaarsiiyo shacabkooda, taasna waan u ballqaadnay, waayo horay ayaan ugu dhaaranay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay dalka Imaaraadka Carabta uu diyaar yahay inay gacan ka geystaan sidii ay dadka Soomaaliyeed loo garaari lahaa, ayna qayb uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.

“Imaaraadka Carabta, waxay amaaenee xukuumadda Soomaaliya, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka iyo gargaaridda dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha DKMG ah.

Farmaajo, wuxuu ugu dambeyn sheegay in ra’iisu wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi uu u sheegay inay muddo badan ka jiifeen arrimaha dalka Soomaaliya, balse ay haatan dhexda u xiranayaan sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen in la gargaaro Soomaaliya.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s