Afhayeenka Al-sabaab oo faahfaahin ka bixiyay sababta keentay inay ha’yadaha gargaarka mamnuucaan

Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere), ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay hay’adaha gargaarka uga mamnuuceen inay ka howlgalaan gobollada ay ka taliyaan.

“Sababta, aan hay’adaha gargaarka uga joojinnay inay ka howlgalaan gobolllada aan ka taliso, waa markii aan ogaanay inay cadownimo gaar ah u hayaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, oo la hadlay saxaafadda Muqdisho.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in hay’adaha gargaarka ay ku gabanayaan samofalka, balse ay wataan ajandayaal u gaar ah, kuwaasoo ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah, mana jirto daacadnimo laga filan karo.

“Xarrakatul Shabaab, waxay bilowday inay gurmad u fidiso dadka ku nool 10-ka gobol ee ay ka taliyaan, waxaan la gaarsiiyay dadka biyo iyo raashin ay cunaan,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, oo intaas ku daray inaysan marnaba u ogolaanayn ha’yadaha gargaarka inay ka howlgalaan gobollada ay gacanta ku hayaan.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku baraarugaan hagar-daamooyinka ay hay’adaha la damacsan yihiin, wuxuuna ugu baaqay inay iyagu iskaalmeeyaan, intii ay kaalmo ka sugi lahaayeen ha’yadahaas.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa sannadkii hore ka mamnuucday hay’adaha gargaarka inay ka howlgalaan gobollada ay ka taliyaan, waxaana hadalka Sheekh Cali Dheere uu imaanayaa iyadoo afhayeenka odayaasha hawiye uu DKMG ah ka codsaday inay dalka ka cayriyaan hay’adda WFP.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s