Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo maanta booqday aagagga dagaalka ee degmada Hodan

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta booqasho ku tagay aagagga ay ciidammada dowladdu kaga sugan yihiin degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana booqashada ku wehliyay taliyaha milateriga Soomaaliya iyo saraakiil kale.

“Booqashadeennu, waxay ahayd mid aan ku darsaynno xaaladaha ciidammada ku sugan aagagga dagaalka ee Muqdisho, waayo waa ciidammo u taagan har iyo habeen inay dalka iyo dadka difaacaan,” ayuu madaxweyne Sheekh Shariif ku yiri hadal kooban oo uu saxaafadda siiyay.

Sheekh Shariif, oo xirnaa dharka milateriga ayaa salaan sharaf ka guddoomay ciidammada ku sugan aagagga uu maanta booqday, wuxuuna dul-istaagay dhowr dhufeys oo ay ciidammada dowladdu kaga sugan yihiin degmadaas.

Inkastoo, madaxweynuhu uusan si qoto dheer ula hadlin saxaafadda, haddana wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dib u habeyn buuxda ku sameyso ciidammada, si ay ugu suurogasho inay dib u hanato ammaanka guud ee dalka.

Goobaha uu Sheekh Shariif maanta booqday, ayaa waxaa isku horfadhiya ciidanka DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, iyadoo aanu jirin dagaal dhacay intii ay socotay booqashada Sheekh Shariif.

Booqashadan, ayaa imaanaysa iyadoo maalin ka hor uu ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda ay booqasho ku tageen aagagga ay ciidammada dowladda ee degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley.

Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku haysa lix degmo oo Muqdisho ka tisran, ayaa dagaal kula jirta Xarrakatul Shabaab, oo inta badan caasimadda Soomaaliya ka talisa, waxaana Xarrakadu ay wacad ku martay inaysan dagaalka joojinay illaa ay afka ciidda u darto DKMG ah.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s