Sheekh Shariif oo Maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu kulamo masuuliyiin ka tirsan beesha Caalamka kula soo qaatay dalalka Jabuuti iyo Masar. 

Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan ayaa duhurnimadii maanta ka soo dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen, Masuuliyiin ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumada R/wasaare Farmaajo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn safakirkii uu ku tagay dalka Jabuuti waxaa uu halkaasi tababar uga furay Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyadoo munaasabadii halkaasi ka dhacdeyna ay ka qeyb galeen Madaxda dowladda Jabhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa ka tagay dalkaasi Jabuuti isagoo ka qeyb galay kulankii Wasiirada arimaha dibada ee Carabta ugu soo gaba gaboobay Magaalada Sharmashiiq ee dalka Masar kaasi oo looga hadlayay arimo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Majiro wax hadal ah oo uu madaxweynuhu siiyay Warbaahintii kula sugneeyd garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho hase ahaatee masuuliyiin ka tirsan dowladda KMGS oomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweynuu Maalmaha soo aadan uu faah faahin ka bixin doono waxyaabaha safarkiisa ugu soo qabsoomay.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s