Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dalka Talyaaniga,kula kulamaya wasiirka arrimaha dibadda dalkaas

Warsaxaafadeed maanta oo Arbaco ah kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo baryahan booqasho ku joogay dalka  Mareykanka, uu maanta tagayo dalka Talyaaniga, halkaasoo berri uu kula kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, waxay diiradda ku saari doonaan kulankooda xalaadda siyaasaddeed, midda amaan ee Soomaaliya, horumarka ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin,” ayuu lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda.

Warsaxaafadeedka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maxamed iyo Frattini, ay kulankooda kusoo qaadi doonaan, sida ay dowladda Talyaaniga u kordhin lahayd gargaarka ay siiso dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale garaarka bani’aadamnimo ee ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Talyaaniga, ayaa horay u gumeysatay Soomaaliya. Waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in dowladdan ay tahay midda keliya ee aadka u daneysa marka loo eego dalalka galbeedka ah, iyadoo si gaar ah ula socota xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mudane Farmaajo, ayaa socdaalkii uu ku maray dalka Mareykanka, ku weydiistay calaamka in laga gargaaro dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaab, wuxuuna shirkii uu kaga qaybgalay xarunta Qarammada Midoobay ee New York kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo.

Xarrakatul Shabaab, ayaa gacanta ku haysa inta badan gobollada koonfurta iyo ku bartamaha dalka Soomaaliya, waxayna Muqdisho oo ay inteeda maamulaan ay kula dagaalamaan dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM oo kaga sugan caasimadda degmooyin yar

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s