Faroole oo si aan haboonayn uga jawabaay hadalki R/wasaare Farmaajo

Madaxwaynaha MG PL Faroole ayaa si aan haboonayn uga jawaabay hadalki  Mudane Farmaajo oo ka hadlay laanta afka soomaaliga ee BBCda kuna tilmaamay go,aanki ka soo baxay xukuumada PL ee ahaa in ay kalsoonida kala laabatay DKM  mid aan haboonayn dhiira galinaayana kooxaha ka soo horjeeda xukuumada uu R/wasaaraha ka yahay sida All shabaab .

Waxa kaleeto oo uu Farmaajo ku tilmaamay in go,aankaanu yahay mid ku kooban xubnaha xukuumad PL oo aysan shacabka reer PL raali ka ahayn yihiina dad nabada iyo midnimada ad u jecel waxa uuna yiri marka aan dalka ku soo laabto waan ka wada hadlaynaa maamulka PL arintaan

Hadaba Mdaxwayne Faroole oo ka jawaabaayay hadalka R/wasaaraha ayaa yiri ” waa wiil meesha la keensaday mana ahan in uu ka hadlo arimahayaga waa inuu ku ekaato xeradiisa mana ahayn in uu naga daba hadlo “

Hadaba arintaan ah kalsooni kala noqoshada PL ay kalsoonida kala noqotay DKM ee soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay habeen hore wasiirki hore ee maaliyada MGPL ee xukuumadi Cade Muuse   DR    Mohamed Ali Yusuf (Gaagaab )  isaga oo kaga qayb qaadanayay Barnaamij ka baxa Universal TV ee la yiraahdo “Maxay kula tahay” laguna falanqaynaayay go,aanka ka soo baxay xukuumada PL  waxa uu yiri ” Ma ahan mid haboon go,aankaani khilaafkuna waa mid ku kooban Shiriifka iyo Faroole helida xuquuqda maamulka PL sida mashariicda dawlada loogu deeqo waxay ku cad yihiin dastuurka DKM iyo kan PLba ka qayb galida shirarka calamiga ah xukuumada ay u matalaysa dhamaan Somaaliya “

Hadaba go,aankaan aya ah mid ay ka muujiyeen walaac dad badan oo Soomali ah oo ku kala nool daafaha dunida kuna tilmaameen mid aan haboonayn .

Allcaseyr.net

Idiris Makiinad Dooxajoog

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Faroole oo si aan haboonayn uga jawabaay hadalki R/wasaare Farmaajo

  1. libaaxi bari

    faroole ma madaxweynaa mase waa dib jir?
    war miyaan ay jirin dad la taliya, wuxuu u hadlaa
    sidi owey si u wareersan, oo meel ka careysan.
    hadalkiisu miisaan ma leh, golaha wasiiradu waa shimbirayahoow heesa cid u caqli celin karta ma ku jirto, barlamaanku waa la mid, cid wax weydiin karta ma jirto.
    Bal isweydiiya xagee ku ogtihiin:
    * Gobolki baran
    * gobolki Sool
    * Gobolki Cayn
    * Gobolka Raas Casayr
    * gobolki Mudug?
    ma waxuu xakumaa Bari, Karkaar iyo Nugaal?
    war ha la tashado

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s