Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta xukunno ku ridday 14-ruux oo Hindi ah iyo haweeney Soomaali ah

Maxkamadda gobolka Banadir ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta xukunno min hal sano ku ridday 14-qof oo Hindi ah oo dhawaan ciidammada booliiska ay kala soo dageen dooni dhuxul wadda oo ku xiran dekedda Muqdisho iyo haweeney Soomaali ah oo la sheegay inay lahayd dhuxusha saaran doonida.

Dacwadda ka dhanka ahayd dadkan, ayaa waxaa maxkamadda horteeda ka aqriyay ku xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamuud (Cali yare), isagoo sheegay in dhammaantood isku dabi yihiin, wuxuuna maxkamadda ka codsaday inay xukumo.

“Xaliimo Ciyaaye Warsame, oo dhuxusha lahayd, waxay ku xad-gudubtay qodobka 397-aad ee xeerka dalka, maadaama ay jartay dhir ka dhexeysay shacabka Soomaaliyeed oo dhan, sidaa daraadeedna waa in lagu qaado dambiga ay gashay,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Sidoo kale, xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha Hindida ah iyo doonida ay wateenna dambiga wax ku leeyihiin, inkastoo ay ka dambi yar yihiin haweeneyda Soomaalida ah, balse waxaa eeddaas kasoo horjeestay qareenkii u doodayay shaqaalaha Hindiyada iyo haweeneyda ay doonidu u rarnayd,

“Doonidu, wax dambi ah ma lahan, waayo dhuxusha ay siddo waxay kasoo qaadday dhul aysan doowladu ka talin, sidoo kalena shaqaalaha iyo haweeneyda Soomaalida ah iyaguna wax dambi ah oo ay leeyihiin ma jirto, marka la fiiriyo xeerka dalka u dagsan, waayo dhuxusha kama aysan sameyn goob ay dowladdu ka taliso,” ayuu yiri garyaqaanka difaacayay dadka la xukumay Xasan Cabdulle Farayare.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ayaa sheegay in maxkamaddu markii ay dhageysatay dacwada ka dhanka ah shaqaalaha Hindida ah ee la socda doonida ku xiran dekedda iyo haweeneyda dhuxusha ay go’aansaday inay ku xukunto min hal sano oo xabsi ah.

“Maxkamaddu, waxay ku xukuntay 15-qof oo isugu jira 14-Hindi ah iyo haweeney Soomaali ah min hal sano oo xarig, waxaana u furan inay iibsadaan, sanad walba oo xarig ahna waa 10,000-dollar, sidoo kale doonida waxaa lagu xukumay 2,000-dollar, dhuxushan waxaa lagu xukumay 2,000-dollar,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda gobolka Baanadir.

Maxkamadeyntan, oo ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sagaal ruux oo Hindi ah, kuwaasoo ka mid ahaa kuwii laga soo qabtay doonida, iyadoo inta kalena aysan ku sugnayn goobta uu xukunku ka dhacayay.

Xukukan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay dowladda Soomaaliya ku riddo dad ajnabi ah, waxaana doonida dhuxusha wadda ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay dowladdu qabato, tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya sannadkii hore mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jaridda dhirta.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s