Iskahorimaadyo iyo qarax ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Xamarjajab oo khasaare nafeed geystay

Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay ciidammo, ayaa ku dhintay iskahorimaad ka dhacay degmada Xamarjajab iyo qarax ka dhacay degmada Wadajir, oo labadaba ka mid ah lixda degmooyinka ee dowladdu ay kaga sugan tahay magaalada Muqdisho.

Shaqaaqadahan, ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof oo ay ku jiraan laba haween ah iyo wiil 15-jir, kuwaasoo ku sugnaa goobaha ay shaqaadaduhu ka dhaceen, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa, oo ahaa bam gacmeed lagu weeraray ciidammo ka tirsan dowladda KMG, ayaa ka dhacay suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxaana ku dhintay laba qof oo mid ka mid ah la sheegay inuu ahaa askari.

“Waxaan maqlay jug weyn, dhowr qof oo dhulka yaalla uuna ku jiro askari ayaan arkay, dhowr qof oo kale oo dhiig ka da’ayo ayaan sidoo kale arkay, xaaladdu waxay cakirnayd muddo saacad ku dhow,” ayuu yiri goobjooge ganacsi ku leh suuqa weyn ee Wadajir oo HOL la hadlay.

Ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa mar qura isgaatay, waxaana ciidammadu bilaabeen howlgal ay kusoo qabteen gaari kuwa dadweynaha ah oo ay sheegeen in bamka laga soo dhex tuuray.

Xilliga uu qaraxan dhacayay, ayaa waxay ciidammadu ku mashquulsanaayeen iibsiga Jaadka, oo xilliyada duhurradii ah lagu iibiyo waddooyinka Muqdisho, halkaasoo ay isugu yimaadaan boqolaal qof oo si ay jaadka u iibsadaan.

Dhanka kale, iskahorimaad ka dhashay muran soo dhexgalay ciidammmo madani ah oo ka dhisan degamda Xamarjajab, ayaa sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca mid kale, iyadoo dagaalkooda oo muddo socday uu iskiis u istaagay.

Iskarhoimaadkan, oo muddo kooban xayiray isku-socodka gaadiidka iyo dadka xaafado ka tirsan degmada Xamarjajab, ayaa wuxuu kusoo beegmay, xilli taliska booliiska gobolka Banaadir uu sheegay inay sugayaan amaanka degmooyinka ay ka taliyaan

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s