Xildhibaanno kormeeray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, eedeynna u soo jeediyay hay’adda SKA Air

Guddiga gaadiidka cirka iyo dhulka ee baarlamaanka Soomaaliya, oo maanta kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa ku eedeeyay shirkadda SKA Air oo ka mid ahayd shirkado ay guddiga sare ee baarlamaanku ka joojiyeen howlaha, inay weli howlaheeda kawaddo Soomaaliya.

“Shirkadda SKA Air, waxay howlaheedii ka-waddaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dhegaha ka fursaytay amarkii kasoo baxay baarlamaanka ee howlaha looga joojinayay. Shirkaddu waxay ka mid ahayd kuwo howlaha laga joojiyay inta baaris lagu sameynayo heshiisyadii lala galay,” ayay xildhibaanad Bishaar Cabdi Garabey oo ah guddoomiyaha guddigan ay maanta u sheegay warbaahinta.

Xildhibaanad Bishaaro, waxay sheegtay in shirkaddan ay garoonka diyaaradaha ku dhajisay calaamadaheeda, sidoo kalena ay maanta rakibaysay kaamirooyin lagula soconayo dhaqdhaqaaqa gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

“Dacwad ka dhan ah shirkaddan, ayaan u gudbinaynaa mas’uuliyiinta sarsare ee baarlamaanka, oo ka codsaday ra’iisul wasaaraha inuu shaqada ka joojiyo shirkado ay ka mid tahay SKA Air,” ayay mar kale tiri xildhibaanad Bishaaro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo hortagay baarlamaanka Soomaaliya todobaadyo ka-hor, waxaa laga codsaday inuu howlaha ka joojiyo in ka badan lix shirkadood oo shisheeye ah, kuwaasoo la sheegay in lala galay heshiisyo qarsoodi ah, balse uu Farmaajo sheegay inuusan arrimahaas la socon balse uu baaritaanno ku sameynayo.

Shirkadda SKA Air, oo xarunteedu tahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxay noqonaysaa shirkaddii ugu horreysay oo ay xubnaha baarlamaanku sheegaan inay howlaheedii sii-wadato, iyagoo shirkadihii kale ee ay dooddo ka taagnayd heshiisyadii lala galay aan kormeer lagu sameyn goobaha ay ka howlgalaan.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s