Sir Hoose,Faroole oo Damacsan in uu kala Qaybiyo Degmada caluula

Warar si hoose ay u heshay wakaalada wararka ee allcaseyr.net ayaa sheegaya in madaxwaynaha puntland uu damacsanyahay in dhawaan degmo cusub uu u magacaabayo tuulada murcanyo,oo ka tirsan degmada caluula.
Maanta ayay aheed markuu magacaabay,degmada gumbax oo horey uga tirsaneed degmada baargaal.

Degmada Gumbax waxaa hoos imaandoona sida ay wararku sheegayaan magaalda taageer oo runtii ka wayn gumbax fac ahaan iyo dad ahaanba,waxaa kaloo hoos imaandona raasiga bina oo ah mid aad ugu dhagsan degmada baargaal,waxaa kaloo raacaya ,cumar samatar airport oo ah airpoorka baargaal,intaas oo dhan markii aad aragto waxaa kusoo baxaya aqoon la,aanta madaxda puntland iyo sida ay u rabaan in umada madaxa laysku galiyo.

Ujeedada ka danbaysa magacaabista degmooyinkan,gumbax oo la magaacay iyo murcanyo oo lamagaaci doono bilaha soo socda,waxay tahay ka dib markii ay dadka degaanka raascasayr ay go,aansadeen in ay yeeshaan Gobal u gaar ah yaga, oo lagu magacaabo raascasayr.

Madaxwaynaha puntland ayaa raba in dadka degaankas raascasayr lagu mashquuliyo degmooyinkan uu magacaabayo isla markaana halkaas u ka dhasho isku dhac ku salaysan degaan.

Warar ayaa sheegaya in madaxwaynaha puntland u rabo beelaha walaalaha ah ee wada dega degaanka raascasayr oo ah degaanka ugu amniga badan caalamka in uu ka abuuro qalalaase siyaasadaysan.si uu u kordhisto xilka uu hayo ee madaxtinimada sanadana ugu darsado,isagoo ku mudacaya in wadanky uu ku jiro xaalad amaan xumo.

Degaanka raascasayr ayaa ah degaan uu ilaahay ku manaystay kheyraad dabiici ah iyo dad wanaagsan oo u diyara ah in ay gurtaan kheyraadkaas,

Dhawaan ayay aheed markii jaaliayda degaanka raascasayr shir ay ku yeesheen dalka swedan kaga dhawaaqeen gobalka raascaayr.

Madaxwaynaha puntland markii uu maqlay arintan ayuu geed hoose iyo mid gaaban u korey sidii uu iskaga horkeeni lahaa beelaha wadaga gobalka raascasayr,maanta waxa u qaaday talaabadiisi kowaad berina tan xiga ayaynu sugaynaa.

Hadaba dadka degaanka raascasayr ma waxay noqonayana kuwa raaca caqlixumada uu damacsanyahay dr faroole mise waxay noqondoonaan dad caqli badan oo ka hortaga,jawaabtas waxa u deynaya dadka degaanka raascasayr.

Allcaseyr.net

6 Comments

Filed under NEWS

6 responses to “Sir Hoose,Faroole oo Damacsan in uu kala Qaybiyo Degmada caluula

  1. salamu calayku dhamaan salaan ka dib waxaan u malaynaya in uu madaxwayne faroole uu ku talabsaday wax aay aad ugu bahnayeen dad waynaha reer puntland gar ahan gobalka bari runtii dad ayaa waxaa mooda inaay aminsanyihiin in belaha walaalha aha ee wada daga laysu dirayo runtiina taasi waa mid usan amini karin qofwalba oo qangaar aha ama caqli fog leh mida kale gabadha xayaad ee leh maxamuud salebaan aya siyasada puntland lagu ogyahay ee kaliinka gurta ma jecli inan gabar u jawabo runti waxa laga yaba gabdhaha jooga yurub ama qurbaha ayaay ka mid tahay gabdhahasna waxaanu lenahay war dalka iyo dadka walalaha ah ee aad kala guraysid iska daaye ilahay idinka haydi asturo oo balwadaha xun xun ee aad ku haysan qurbaha waa wax aan xag ilahay iyo xaga dalka sharaftiiba u wanagsanayane ilhay hadin asturo amiin

  2. Asc. dhamaan waxaan salaamayaa baha weynta degta gobalka caseyrland. Himilada iyo jirtaanka midnimada Umada waa mid aan la’iibsankarin, hase yeeshee waxa dadka ku dhex jira maan laawe,iyo dhuuni raace, murtideydii waxay u dhaceysaa bahweyta raascaseyrland.wadankeygii waa qani waxaan leeyahay. xijiyo, iyo beeyo, qeyraad baadhexceegaaga, nin baadoonaya in uu iibiyo. dardaan waxaa iga ah, biriqaate haddalkiisa, iyo hadaf u jeeddo leh aad fuliso, wale waan kala fogaaney, dadka ku beerxawsanaya, gabalada beesha degto ayaan wax u qabanenaa, waxaa ku sifenyaa, waa waxba kama jiraan, war haddaad wasiir, iyo jago aad dooneyso, waa meesheedi, laakiin ha ku afgoobasan beesha wadadegan oo waliba walalaha ah, waxaa jira turanturooyin badan iyo waliba is jalafeyn,beesha dhulkey degto waa la og yahay soohdin ayaa marsan, hadii lagu soo waa meesheedi waxaa noomuda ah wadanki. wabilaahi towfiiq.

  3. waxaan ku bilaa bayaa aniga. kan dhutinayoow ,humaag been ah ayaad milicsatay,malaha riyaadda ma’ ay rumoobin. haddalkeyga waxa uu u dhacayaa. sida hoos ka guuxa, Aramidoon la bag siin, bal ayaa kula warama. male iyo maan laawe ayaa ku jira iyo nin meel la’ haddal la fariistoo malaha waxaa u maleynayaa in san wax soo wadin, nin isfaanshay hadal kiisu dux iyo iidaan toona malahan. sida. indhakooriye oo kale. nin is faanshay waa ri’ is nuugtay oo kale weeyaan, maan laawe, warhayn baatahay, hantaca suuq yada iyo talkaa waxaa uu kaa mudan yahay wanaag. waxaa jira dad xag jir ah maanka ku hayso. wa

  4. ascw salaan ka dib waxay soo dhutidaba waatan ee soo baxday dhaadhaanku waxa uu u filay in uu yeeli karo ,waxaase ka sii daran kan dhegaha iyo indhahaba la ee u filay dhaadhaanku in uu siin karo dhul uu ninkle leeyahay ,dhulka caseyr land waa dhul baaxad ween oo rabi ku mineestsy reerka dega ee xuseen talareer ,ama indhaha is tir ama dhegaha istir ama dhaadhaanka rumayso ama ha rumaysan dhulka ragbaa leh ilaah ka sokoow waana ay difaacanayaan .

  5. nimanyohow siwakhroon iska daaya gobol gobolka
    ee kaluunbaa la idin ku ogaa idinkiyo kuwa gunbax degaba ee ismaciil saleebaan ader siyasada maxud saleebaan kun sano ayey idinka weeyntahay reer bari
    joojiya foodada mise waxa is dhahdeen xoogaa baa idiin urutay

  6. caagle

    Runtii Waa wax laga naxo in gobolka bari oo ahaa gobol wayn taas oo markii lafiiriyo aaan waxba ku haysan ka mid ahaanshaha gobolka bari ayaa hada larabaa in lasii balaariyo waayo waxaala arkay in dadkii halkaas deganaa ay arkeen munaafaqada iyo dibindaabyada lagu wado degaankaas si loogu mashaquulsiiyo .

    marka aniga waxay ila tahay dadka dega degaanka raascasayr inay tashadaan guud ahaan oo ay kasoo saaraan hal mooqif.

    allcaseyr waxaan rabnaa inaad fekerka iyo hadalada ku aadan meeshaas inaad nosoo gudbisaan si aan ula socono .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s