Jaaliyadda Puntland ee Leicester oo qado sharaf u sameysay Wasiirkuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Puntland +sawiro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeybgaleen mas’uuliyiin sare iyo dhammaan Jaaliyadda reer Puntland ee Leicester ayaa lagu dhigay Maqaayadda caalamiga ah ee Koyla Restaurant Leicester , taasoo loo dhigay ama Qado sharaf loogu sameeyay Wasiirkuxigeenka Beeraha iyo Waraabka ee Puntland mudane Burhaan Cilmi.

 Xafladaas ayaa looga dhageystay Wasiirka xaaladaha ka jira Puntland iyo akhbaaradkii ugu danbeeyay ee deegaanada Puntland, waxqabadka maamulka hadda ka arimiya ee uu wasiirku ka mid yahay iyo halka ay higsaneyso dowladda Puntland. Warbixintaas oo runtii aheyd mid aad loogu riyaaqay ayna aad u soo dhaweeyeen qurbojoogta Puntland ee Leicester. Sidoo kale waxa uu wasiirku aad ugu dheeraaday in ay jaaliyaddu u istaagto in ay ka qeyb qaataan sidi loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

Waxaa kaloo madasha ka hadlay mas’uul sare Xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo runtii aynu oran karno waa aabihii waxbarashada Soomaaliya, ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay Soomaalinimada iyo in ay wajib tahay in had iyo jeer loo istaagto sidi Soomaali leysugu soo celin lahaa. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay culumo, waxgarad kale, aqoonyahano iyo waliba haweenka reer Puntland ee ku nool Leicester.

 

Sidoo kale waxaa xusid mudan kalimadii diiniga aheyd ee uu madasha ka jeediyay Shiikh Cabdalla. Waxaa kaloo xafladda goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Uk Professor Cabdulqaadir Jibriil oo isagana kalimad kooban goobta ka jeediyay.

 

Gabagabadii shirka ayaa waxaa halkaas laga bilaabay qeybintii qado sharafta iyo sidoo kale iyadoo ay qadada bar bar socotay wadtashiyo iyo wadahadal koox koox iyo gaar gaarba ah. Ugu danbeyntiina waxaa halkaas lagu sagootiyey wasiirkuxigeenka iyadoo uu jaaliyadda ka qaatay wixii talo iyo tusaalaba ah .

 Waxa aan halkan uga mahadcelinaynaa dhammaan dadkii soo abaabulay xafladan gaar ahaan maamulka hay’adda Puntland Youth and Sports Development Organisation iyo guud ahaan jaaliyadda reer Leicester. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa dhammaan bahda Mediaha gaar ahaan Radiyo Daljir gaar ahaan Guhaad , Eava Radio gaar ahaan Fahad yare  iyo kooxda Mahad dheere iyo Rooble oo runtii aad iyo aad inooga caawiyey xagga recordinka iyo mediahaba

 

 

 Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje ( Social Development Adviser )

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s