Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo isku rasaaseeyay Muqdisho.

Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa ay ku dhexmartay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir kadib markii ciidamada qaarkood ay ka gadoodeen lacagta mushaarka.

Israsaaseyntaani dhexmartay ciidamada kawada tirsan dowladda KMG ayaa timid kadib markii ciidamo la sheegay iney gadoodsanyihiin oo ka tirsanaa dowladda KMG ay isku dhaceen ciidamo kale oo fariisin ku leh isla agagaarka Hoteelka Muna ee dagmada Xamar weyne .

Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku dhimatay 7 kalena way ku dhaawacmeen waxaana dhamaantood dadkaasi ay ahaayeen ciidamadii is rasaseentu dhax martay waxaana mudo xiisado kacsanaan ah laga dareemayay goobta uu iska horimaadku ka dhacay.

Qaar ka mid ah dadka degmada Xamarweyne ayaa u sheegay idaacada Shabelle in inta iska hor imaadku socday uu hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee dagmadaasi

Dagaaladani dhaxmaray ciidamada DKMG ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku soo noq noqday gudaha Magaalada Muqdisho waxaana xiliyada qaar iska horimaadyada dhexmara ciidamada dowlada ku waxyeelooba dad rayid ah oo an waxba galabsan.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s