Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in xukuumaddiisu aysan wax heshiisyo ah la gelin shirkado shisheeye

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo maanta ka qaybgalay kulan xildhibaannada baarlamaanka ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho, ayaa sheegay in xukuumadiisu aysan wax heshiisyo ah la gelin shirkado shisheeye.

Kulanka, oo ay ka qaybgaleen 290-mudane, ayaa waxaa mooshinka loogu yeeray ra’iisul wasaaraha inuu jawaab ka bixiyo ka akhriyay xildhibaan Cumar Islow Maxamed, isagoo ka codsaday ra’iiisul wasaaraha inuu ka bixiyo jawaab heshiisyada ay xukuumaddu la gashay sharkadaha shisheeye.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa la weydiistay inuu faahfaahin ka bixiyo heshisiyadii ay xukuumaddu la gashay shirkado shisheeye oo kala ah: Saracen International, SKA Air, RK International, Buncraft, Dynacom, Black Water iyo shirkad iibsatay furaha Soomaaliya.

“Xukuumadda aan hoggaaminayo waxay jirtaa 29-maalmood, heshiisyadanna waa kuwo naga horreeyay, waxaana anigu ka warhelay heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda shirkadda Saracen International oo keliya, waxaana haynaa dukumiintigii heshiiskaas lagu galay, ayna la gashay xukuumaddii hore 15-kii May 2010,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Farmaajo.

Ra’iisul wasaraha Soomaaliya, ayaa sheegay inuusan waxba kala socon heshiiska la sheegay in lala galay shirkadaha kale, wuxuuna ka codsaday in lasiiyo afar toddobaad si uu baaritaan dheeraad ah ugu sameeyo heshiisyada lala galay shirkadaha kale.

“Waxaan idinka ka codsanayaa, inaad ii ogolaataan inaad afar toddobaad ii siisaan si aan xogo dheeraad ah oo ku saabsan heshiisyada lala galay shirkadahan aan u raadiyo, dabadeedna aan dib idin kugu soo noqdo, si haddii heshiisyadaas ay yihiin kuwo ay dani ugu jirto dalka aad u ogolaataan, haddii aysan dani ugu jirinna aad go’aan ka gaartaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mudane Cumar Islow, oo hadlay markii uu ra’iisul wasaaruhu dhameeyay hadalkiisa, ayaa ka cosaday ra’iisul wasaaraha, inuu baarlamaanka u soo gudbiyo dukumiintiga heshiiska lagula galay shirkadda Saracen International, sidoo kalena ay u baahan yihiin in loosoo gudbiyo cidda heshiiskaas u saxiixday dhinaca dowladda Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaare, adigoo mahadsan, waxaan kaa codsanaynaa in shirkadaha lala galay heshiiska aadan la socon, laga joojiyo howlaha, inta aad xog ururinta ku jirto,” ayuu shirkii baarlamaanka kusoo xiray C/weli Ibraahim Muuddey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahaana shir guddoonkii kulankii maanta.

Xildhibaannada baarlamaanka, ayaa u muuqda kuwo u diyaargaroobay inay la xisaabtamaan xukuumadda cusub ee Soomaaliya, iyadoo buuq uu ka dhashay ansixintii ra’iisul wasaaraha, tii golaha wasiirrada iyo miisaaniyadda xukuumadda ee sannadka 2011 oo shalay ay ansixiyeen 281-mudane oo ka mid ahaa 286-xildhibaan oo kulankii baarlamaanka ee shalay ka qaybgalay.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s