Baqdinta Faroole iyo Boosaaso

Horjoogaha Maamul goboleedka Puntland ninka lagu magcaabo C/raxmaan Faroole oo mudo labo sano ah horjeege ka ahaa maamulkaasi ayaan gebi ahaanba tobankii bilood ee u danbaysay aan cagdhigin magaalo madaxda Dhaqaalaha ee Gobolka Bari, hadaba Galgalanews ayaa udhabo gashay sababta ka danbaysa in aanuu Faroole cag dhigi karin gudaha Boosaaso xog dhamaystiran ayaan idiinka haynaa.

Computer, waa nin la baxay magaca aaladaasi waa Fooxiye iyo Faaliye weyn oo Sixiroole ah, waxaa aad looga yaqaanaa Garoowe iyo inta ku hareeraysan waxay hayb hoose wadaagaan horjooge Faroole, markii uu xilka qabtay Faroole ayuu ka dalbaday in Mudane Computer uu noqdo lataliyihiisa dhanka arimaha Wixii dhici doona mustaqbalka iyo waxa soo wajahi kara Faroole inta uu xilka hayo hadii ay ahaan lahayd Geeri,Xilka in laga qaado, in la dilo ama in lays waydaarsho.

Computer oo ufaaliyey Faroole ayaa wuxuu ugu waramay in uusan dhaafin Madaxtooyada Garoowe iyo inta udhexeysa Gurigiisa, isla markaasina amar wuxuu ku siiyey in madaxtooyada wadooyinka Soogala oo dhan la dhigo dhagxaan shub ah oo iswaydaarsan si baabuurta iyo dadka maraya aanay xawaare ugu marin halkaasina ulasoo Gelin Qaraxyo

Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga iyo dhaqaalaha oo dhamaan dawladihii Hore ay ka hawl geli jireen ayaa Faaliye Computer wuxuu ku yiri Faroole “Haddii aad tagto Boosaaso, waxaa ku tooganay nin qaba dhar madow oo wata gaadhi madow halkaasi ayaad ku geeriyoonaysa, sidaasi daraadeed kuguma ogi inaad tagto Boosaaso hadii aad Rabto Noloshaad” Faroole oo taasi ka duulaya waxaa xukumay in dhaqaalaha Dekeda Boosaaso iyo Airport-ka kasoo baxa loogu keeno Talaagadaha waawayn ee xamuulka qaada, waxaa Boosaaso mar mar taga wasiiro xayn xayn usocda iyagoo cabsi wayn muujiyey.

Faroole wuxuu samaystay dayuurad Khaas ah oo uu kaga duulo Garoowe marka uu safarada Debeda ugu baxayo halka bilihii u horeeyey ee taliskiisa uu ka duuli jiray Boosaaso, sidoo kale waxaa Horjooge Faroole laf dhuun gashay ku noqday Maxamed Siciid Atom oo jab weyn gaadhsiiyey isaga wasiiradiisa iyo ciidan beeleedyo uu tolaa’ayeey kusoo aruursaday.

Arintani waxaa aad uga yaaban bulshada ku dhaqan gobolka Bari oo dhaqaalaha Puntland soo saarta isla markaasina si toos ah dhaqaalahaasi uu ugu dhaco jeebka Faroole,

galgalanews.com

Allcaseyr.net

2 Comments

Filed under MAQAALO

2 responses to “Baqdinta Faroole iyo Boosaaso

  1. asc dhaman umada sopm aliyeed ee akhrisata wabkan allcasayr.net
    qoraha qoray maqalkan falada ah walaal waxan kaacodsanaynaa anagooah akhriste waxad sooqorto marka koobad waxan kacod sanaynaa saxafada waxan kuhaboonayn inad kadayso wabka oo ad qorto kumahaboona saxafadu in qoflaweeraro ama shakhsi la atago kabasiixun mas uul umadee oo xilhaya sida madaxwaynaha ad waxkaqortay mr faroole fadlan wabseda qofka maqalka qoraa magaciisa iyo ciwankiisa hoos hakaga sooqoro si isaga loogu racdo wixii uu gaysto oo an saxaafada xorta ah kuhaboonayn waa na idin salamayaa dhamantiin mr mukhtar

  2. caagle

    ikkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Ilahow Inaga qabo waxaas sixirka wada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s