Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo berri hortagaya baarlamaanka si uu uga hadlo heshiisyo shirkadeed

 

Ra’iisul wasaaraha Somalia Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa aqbalay inuu hortago baarlamaanka berri oo Khamiis ah, si uu uga jawaabo su’aalo ku saabsan shirkado shisheeye oo la sheegay inay xukuumaddu heshiisyo qarsoodi ah la gashay.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muuddeey, ayaa u sheegay xildhibaannada baarlamaanka intii uusan xirin fadhigii maanta ee golaha shacabka, in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo uu ka helay qoraal uu berri ku horimaanayo baarlamaanka.

“Xildhibaannadu, waa inay berri isugu yimaadaan kulan uu kasoo qaybgalayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, si su’aalo looga weydiiyo shirkado shisheeye oo heshiisyo hoose la galay xukuumadda,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Muuddeey oo xirayay kulankii baarlamaanka ee maanta.

Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Isniintii toddoobaadkan, waxaa la horgeeyay laba mooshin oo ra’iisul wasaaraha looga dalbaday inuu baarlamaanka ku horyimaado si uu uga jawaabo shirkado ajnabi oo la sheegay in xukuumaddu ay heshiis la gashay, kuwaasoo ay ka mid yihiin SKA International, oo maamulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Saracen International oo tababaraysa ciidammada dowladda.

Mudanayaal shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye ku tilmaamay kuwo sharciga ka baxsan, iyagoo codsaday in baarlamaanka la horkeeno heshiisyadaas, uuna ra’iisul wasaaruhu sharraxaad ka bixiyo heshiisyadaas.

Dowladda Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaaday inay heshiis la gashay shirkadda Saracen International oo xarunteedu tahay Lubnaan, taasoo tababarro siinaysa ciidammada dowladda, halka mas’uul u hadlay shirkadda SKA International, uu isna sheegay inuu jiro heshiiska ay la galeen dowladda si ay garoonka u maamulaan.

Heshiisyada la sheegay in xukuumaddu ay la gashay labadan shirkadood ayaa lagu cadeeyay in min 10-sano ay ka howlgalayaan Soomaaliya, inkastoo aan si dhab ah shaaca looga qaadin howlaha ay qabanayaan iyo dhaqaalaha ku baxaya halka uu ka imaanayo.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s