Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo looga yeeray baarlamaanka si wax looga weydiiyo heshiisyo ay dowladdu gashay

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa mooshinno ay maanta oo Isniin ah horgeeyeen baarlamaanka, kaga codsaday ra’iisul wasaaraha DKMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo taliyeyaasha ciidammada inay horyimaadaan baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrimo khuseeya howlahooda.

Mooshinnadan oo saddex ahaa, ayaa laba ka mid ah looga codsaday ra’iisul wasaare Farmaajo inuu baarlamaanka faahfaahinno ka siiyo heshiisyo lala galay shirkadda Saracen International oo tababarayas ciidammada ammaanka dowladda iyo shirkad lagu magacaabo ASK oo la sheegay in lagu wareejinayo maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mid ka mid ah mooshinndan, oo looga codaday ra’iisul wasaaraha DKMG inuu baarlamaanka ku horyimaado, ayaa lagu sheegay in shirkadda ASK ee lagu wareejiyay garoonka, ay xukuumaddu la gashay heshiis qarsoodi ah, iyadoo lagu xusay mooshinka in shirkaddaas uu heshiiska u saxiisay madaxeeda howlgalka oo lagu magacaabo David Tom Chris, balse laguma caddeyn  cidda dowladda u saxiixday heshiiskaas.

Shirkadda ASK, ayaa la sheegay inay xrun ku leedahay bariga dhexe, heshiiska ay la gashay dowladda Soomaaliyana uu dhigayo inay maamulka garoonka gacanta ku hayso muddo 10-sano ah, waxaana dukumiintiga heshiiskan uu sheegayaa inay kasoo shaqeysay dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Imaaraadka Carabta.

mooshinka kale , ayaa looga codsaday ra’iisul wasaare Farmaajo inuu tafaasiil dheereaad ah ka bixiyo heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda ammaan ee Saracen International oo dhawaan wararkeedu ay dibadda u soo baxeen.

Saracen International, ayaa lagu sheegay qoraalka heshiiska lagula galay inay muddo 10-sano ah tababarka ciidammada, iyadoo aan lagu sheegin dukumiintiga la kala saxiixday dhaqaalaha ku baxaya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu heshiiska u saxiixay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, mooshinka saddexaad ayaa looga codsaday taliyeyaasha ciidammada inay baarlamanka ku horyimaadaan si ay sharraxaad uga bixiyaan qaabka ay ciidammadu ku shaqeeyaan iyo jidka ay u marayaan inay soo celiyaana ammaanka guud ee dalka.

Xildhibaannadii maanta hortagay baarlammaanak oo taradoodu ahayd 278-xubnood, ayaa qaarkood waxay sheegeen inaan lasoo marsiin baarlamaanka intii aan heshiiska lala geglin, taasoo ay ku sheegeen mid dastuurka dalka ka horimaanaysa.

HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s