Barlamanka KMG oo qiray in la lunsaday dhaqaalaha DKMG

Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ay kaga hadlayeen miisaaniyada xukuumada KMG waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho iyagoo qiray in la lunsado dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Muqdisho iyo ilaha dhaqaalaha dowladda KMG.


Fadhigii Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Barlamanka ahna ku xigeenka koowaad ee gudoomiyaha Barlamanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, waxaana fadhiga Maanta ee mudanyaasha barlamanka soo xaadirtay 278 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

Ajandaha maanta ay ka doodayeen mudanayaasha Barlamanka ayaa waxaa uu ahaa miisaaniyada xukuumada cusub ee sanadka 2011-ka, hase ahatee inta aan ajandahaasi loo guda galin ayaa shir gudoonka waxaa uu mudanayaasha Barlamanka ku wargaliyay in uu hayo sedax muushin oo ay u soo gudbiyeen mudanayaasha Barlamanka.

Muushinkii koowaad ayaa waxaa mudanayaasha Barlamanka ka hor aqriyay xildhibaan Cumar Islow, waxaana lagu dalbanayay in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed uu Maalinta Arbacada ah horyimaado Barlamanka Soomaaliya islamarkaana uu faah faahin ka bixiyo shirkada qaabilsan dhinaca tababarka ciidamada ee la yiraahdo Sarcen international oo sida ay sheegeen mudanayaasha Barlamanka ay xukuumadu heshiis indho la’aan ah la gashay iyadoon loo soo gudbin Barlamanka Soomaaliya.

Muushinkii labaad ayaa waxaa aqriyay xildhibaan Cumar Dheere, waxaana isna lagu dalbanayay in taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ay horyimaadaan Barlamanka Soomaaliya, si wax looga weydiiyo xaaladda amaan ee dalka iyo sababaha hortaagan in ay hormar sameeyaan.

Muushinka sedaxaad ayaa waxaa aqriyay xildhibaan C/qaadir Shido waxaana lagu dalbanayay in Ra’iisul wasaaraha uu horimaado Barlamanka Soomaaliya islamarkaana uu faah faah ka bixiyo qaabka dowladda ay u dhiibtay Airporka Magaalada Muqdisho ayna ugu wareejiysay Shirkadda SKA taasi oo hadda si toos ah u maamusho garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Xilgaasi kadib ayaa la guda galay ajandihii miisaaniyada ee Xukuumada ay soo gudbisay, waxaana halkaasi ka hadlay gudoomiyaha kumeelgaarka ah ee gudiga maaliyada Barlamanka Xuseen Ceelaawe Faahiye, waxa uuna sheegay in markii ay qiimeeyeen miisaanada ay u soo gudbisay xukuumada ay ila dhaqaaleedka ay gacanta ku heyso dowladda KMG ay ka soo bixi karto sanadkiiba 98 milyan 586-kun iyo 900 oo doolar, isagoona sheegay intaasi marka la fiiriyo ay si aad ah uga yartahay miisaaniyadii la rabay in ay soo saarto xukuumada KMG.

Sidoo kale gudiga Maaliyada Barlamanka waxaa ay sheegeen in dhaqaalihii laga rabey dekadda Magaalada Muqdisho iyo qiimeynta loo sameeyay ay aad u kala fogtahay.

Gudiga Maaliyadda barlamanka ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha hadda la sheegay in uu soo gaari karayo imagareeshinka ay la mid noqoneyso in maalintii dal iyo dibad ay baasaboorka Soomaaliya qaataan 4 qof oo kaliya taasi oo gudigu uu ku sheegay mid aan macquul aheeyn.

Ugu dambeyntii Markii in mudo ah ay ka doodeen mudanayaasha Barlamanka Miisaaniyadda Xukuumada ee sanadka 2011-ka ayaa waxaa soo xiray fadhigii Barlamanka ku simaha gudoomiyaha Barlamanka ahna ku xigeenka koowaad ee gudaha Barlamanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey isagoo mudanayaasha Barlamanka ku wargaliyay in maalinta beri ah ay soo xaadiraan fadhiga Barlamanka.

Hadalka gudiga Maaliyada ee ku aadan in la lunsaday hantida qaranka ee ka soo xaroota dekadda Muqdisho ayaa imaanaysa xili Shabakadda warbaahinta Shabelle ay habeen ka hor soo daabacday warbixin ka hadleysa musuq maasuq lagu sameeyay dhaqaalaha soo gala dekada Magaalada Muqdisho taasi oo dad badan ay iska indhatirayeen.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s