Ilko jiir PL waxay marti galinaysaa shirwayne lagu xasilinaayo Somaaliya

Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland C/laahi Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowlada ay wado qorshe ay ku marti galinayso shir wayne Soomaaliyeed ,kaasi oo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada siyaasada ee dalka.

“Sida aan aaminsanahay Puntland kaalin wayn ayey ku yeelan kartaa xal u helida dhibaatada dalka ragaadisay ” ayuu yiri wasiirka oo siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay.

Waxaa kaloo uu sheegay in madaxwaynaha Puntland oo shirkaasi ogolaaday si loo qabto,waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in arintan ay taageeraan.

“Ma aaminsani in ay jiri karaan caqabado arintaa ka hor-imaanaya waxaana leeyahay halaga shaqeeyo midnimada umada sida Puntland oo kale ” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxwaynaha Faroole ayaa shir uu kaga qayb galay Garowe ka sheegay in dowladiisa ay taageeri doonto dadaal kasta oo loo marayo xal u helida dhibaatooyinka dalka ka jira.

Hadalka madaxwaynaha ayaa kalsooni badan u muujiyay qaar kamid ah aqoonyahanadii ka soo qayb galay shirkaasi ,waxaana iminka la dareemayaa diyaar garow arinta la xiriira hadii ay suurtagasho

Maamulka Puntland ayaa sanadkan marti galiayay dhowr shir oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen shirkii haweenka Soomaaliyeed,Shirkii Culima’udiinka iyo ciyaaraha gobollada oo iminka ka soconaya Garowe.

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s