Sool iyo gado oo ka haray koobka kubada cagta ee gobolada Soomaaliya

Waxaa maanta wada cayaaray kooxaha kala ah Mudug VS Sool  iyo Banaadir VS Gedo afartaan kooxood ayaa ka tirsan Groupka B waxayna wada cayaarayeen cayaartoodi  u dambaysay ee loogu soo baxaayay wareega 8deeda .

Waxay ahayd cayaarti koowaad mida ay wada cayaareen Mudug VS Sool waxaay ku bilaabatay si xamaasadi ku dheehan tahay waxaana qaybti hore ee cayaarta gool keensaday Mudug oo kala hormartay Sool daqiiqado gudahood ayay Soolna la timi goolka barbardhaca qaybti hore ayaa sidaas lagu kala nastay .

Isu soo noqoshadi qaybti dambe ayaan la kala dhalin waxba waxayna cayaartu ku soo gabgabawday 1-1 waxaana halkaas ku haray xulka gobolka Sool Mudugna waxay u soo baxday wareega 8deeda .

Cayaarti labaad ayaa dhex martay Banaadir VS Gedo waxa goolki kowaad ee cayaarta la yimi Banaadi mudo gaaban ka dib ayay la timi Gedo goolki bareejada sidaas ayaana lagu kala nastay .

Isu soo noqshadi ayay xulka Banaadir heleen Gool ku laad waana dhashadeen isla in yar ka bidna waxay keensadeen goolki sadexaad  gabagabadi cayaarta ayay Gedo la timi gool labaad lakiin waxba uma anficin oo cayaartu waxay ku soo gabagabwday 3-2 waxaana halkaas ku soo baxay Banaadir Gedona way hartay .

Kooxahaan Group Bda ayaa waxay kala haleen dhibcahan.

Banaadir 5 dhibcood mar badis ah iyo labo barbardhac ah

Mudug  5 dhibcood Mar badis ah iyo mar barbardhac ah

Sool   3 dhibcood sadexdeedi cayaaroodba waxay gashay barbardhac

Gedo 1 dhibic  labo cayaaroodna waa laga badiyay

Waxaana wareega 8da u soo baxay Xulka Gobolka Banaadir iyo Xulka Gobolka Mudug .

Kala soco Allcaseyr.net faaqidaada cayaaraha gobolada somaaliya ee ka socda Garoowe PL iyo kuwa caalamkaba

Allcaseyr.net

Idiris Makinad Dooxaajog

Leave a comment

Filed under SPORTS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s