Al Shabaab oo la wareegay gacanta ku heynta degmada Xarardheere.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere halkasi oo ay shalay galinkii dambe faarujiyeen ciidamadii Xisbul Islaam ee ka aramin jirey degmadaasi. 

Barqanimadii maanta ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo watta gaadiid dagaal waxaa ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug .

Saraakiil ka tirsan Ururkii Xisbul Islaam ee ku sugnaa gudaha degmadaasi oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada qaar ay ka mid noqdeen Xarakada Al Shabaab kuwa kale oo watta gaadiid dagaalkana ay isaga baxeen gudaha magaalada, iyagoona dadka ku wargaliyay inay is dajiyaan.

Ciidamadii ka tirsanaa Al Shabaab ee gaaray gudaha degmada Xarardheere ayaa halkaasi waxaa ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyadoona xaaladda degmadaasi ay tahay mid degan.

Waa degmadii ugu horeysay ee ka tirsan gobolka Mudug oo ay la wareegaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyadoo aan la ogeyn ciidamadii kale ee Xisbul Islaam halka ay qabteen.

Maamulka Galmudug ayaa xalay uga digay Xarakada AL Shabaab inay qabsadaan degmada Xarardheere kadib markii ay shalay galinkii dambe baneeyeen ciidamadii Ururkii bur buray ee Al Shabaab.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s