Maamulka Gedo oo Soo dhaweeyay Talaabada uu Ururka Xizbul Islaam ugu Biiray Xarakada Al-shabaab

Maamulka islaamiga ah ee gobolka gedo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin talaabada uu ururkii xizbul islaam ee ka dhisnaa degmada luuq ula midoobay xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay talaabo horumar leh.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ee xarakada Alshabaab Sheekh Bishaar Cali Aadan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaasina ay soo dhaweynayaan talaabada uu ururka xizbul islaam ee gobolka Gedo ugu biiray maamulkooda, waxaana uu sheegay in ay tahay arin siweyn loogu farxo in awoodii mujaahidiinta ee gobolka Gedo ay maanta si rasmi ah u midoowday.

“Waxaan ugu baaqeynaa maamullada kale ee ururka Xizbul islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay u mideyn lahaayeen awooda mujaahidiinta, waxaana midowga mujaahidiinta ay dhabar jab ku tahay gaalada iyo gaala raacyada ku sugan wadanka,” ayuu yiri Sheekh bishaar oo baaq u dirayay ururka Xizbul Islaam.

Lama oga waxyaalaha keenaya in ururkii xizbul Islaam ee gobolka gedo uu ku biiro xarakada Alshabaab, haseyeeshee Gudoomiyihii degmada Luuq ee ururka Xizbul Islaam Sheekh Farxaan Cabdi Cigaal ayaa Shalay gelinkii danbe shaaca ka qaaday in ay ku biireen maamulka xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo, arintaas oo uu sheegay in ay uga gun leeyihiin sidii loo mideyn lahaa awooda urrurrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya.
 
Hadalkan kasoo yeeray maamulka xarakada Alshabaab ee gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkii ururka xizbul islaam ee gobolka gedo uu shalay gelinkii danbe shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ugu biireen xarakada Alshabaab ee gobolkaasi gedo, ilaa iyo imika ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan arintan oo kasoo baxay hogaanka sare ee ururka Xizbul Islaam ee ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya.
Xigasho hiraanonline.com
Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s