Inter oo qaaday copka naadiyada aduunka Daawo (Sawiro iyo Film)

kooxda ah horyaalka adduunka ee Inter Milan ayaa ku guulaysatay koobka naadiyada adduunka kadib markii 3-0  ay kaga badisay kooxda ka socotay qaaradda Afrika ee TP Mazembe.

Kooxda reer Talyaaniga Inter Milan ayaa kala kulantay cadawtooyo badan ku guulaysiga koobkan kadib markii warbaahinta qaar ay qoreen in laga badinayo kooxdan isla markaana laga ceyrin doonno tababarahooda.

Saddexda gool ayaa waxaa u kala dhaliyay Goran Pandev,Samuel Ito’o oo gool dhaliyay kaasi oo u noqonaayo goolkiisa 19-aad ee xilligan waxana goolka 3-aad qeybtii 2-aad u dhaliyay xidiga da’da yar ee Jonathan Bianiany

Ciyaartaan oo ka dhacday garoonka weyn ee magaalada Abu Dhabi ku yaala ee lagu magacaabo Zayed Sports City ayaa kooxda inter waxay markeedii 3-aad ku noqotay kooxda adduunka waxayna horey ugu guulaysatay koobkan labo jeer oo hore sanadihii 1964 iyo 1965.

Kooxda TP Mazembe oo ka socotay dalka Jamhuuriyadda Congo ayaa waxay horey ugu soo baxday Final Taarikhi ah iyadoo noqotay kooxdii ugu horeysay ee Afrikan ah ee soo gaartay Finalka koobka naadiyada adduunka kadib markii ay 2-0 kaga soo badisay kooxda haysatay koobka koofur Ameerika ee Internacional oo ka dhisan dalka Braziil.

Goolka uu dhaliyay Eto’o ayaa ahaa kiisa 19-aad 23 kulan oo uu xilligaan u ciyaaray kooxda Inter.

Eto’o ayaa soo dhisay goolkii hore ee uu dhaliyay Goran Pandev,isagoo dhaliyay goolkii 2-aad ee ciyaarta waxaana kan 3-aad dhaliyay Jonathan Bianiany oo badal kusoo galay ciyaarta qeybtii dambe.

Kooxda laga badiyay ee TP Mazembe waxaa u ciyaarayay xidigahaan

Englebert: Kidiaba, Kaliyutuka (Ndonga 89), Kimwaki, Kasusula, Nkulukuta, Kabangu, Bedi, Mihayo, Ekanga, Kasongo (Kanda 46), Singuluma.

Subs Not Used: Bakula, Tshani, Mwepu, Mabela, Sunzu, Mvete, Kanyimbo, Kayembe, Ngome.

Waxaa calaamado ka qaatay : Kaliyutuka, Ekanga, Bedi, Kasusula.

Kooxda Inter Milan: Julio Cesar, Chivu (Stankovic 54), Maicon, Cordoba, Zanetti, Lucio, Motta (Mariga 87), Cambiasso, Eto’o, Milito (Biabiany 70), Pandev.

Subs Not Used: Castellazzi, Sneijder, Muntari, Materazzi, Alibec, Benedetti, Santon, Nwankwo, Orlandoni.

Waxaa calamad ka qaatay : Motta.

Goals: Pandev 13, Eto’o 17, Biabiany 85.

Waxaa kazoo qeyb galay : 42,120

Waxa garsoorayay : Yuici Nishimura (Japan).

Dawo sida ay goolasha u dhalisay Inter

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under SPORTS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s