Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka oo Magacaabay Guddiga Gurmadka abaaraha

Maamulka islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka ayaa magacaabay guddi loogu magacdaray guddiga gurmadka abaaraha, kaa oo gargaar u fidin doona dadka ay saameyeen abaaraha ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka.

Sheekh C/naasir oo ah madaxa dacwada maamulka islaamiga ah ee gobollada Jubooyinka, ayaa sheegay in abaarta sanadkani ay saameysay gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in gobollada jubooyinka ay kamid yihiin gobollada ay sida aadka ah u saameysay abaarta, isagoona sheegay in ay u magacaabay guddi gurmad u fidiya dadka ay dhibaatadu saameysay ee dhaqan gobollada jubooyinka.

Gudigan cusub ayuu gudoomiyuhu sheegay in uu ka koobanyahyay 10 xubnood oo isugu jira maamulka islaamiga ah ee Jubooyinka, Ganacsatada, gaadiidleyda iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan jubooyinka, waxaana uu sheegay in guddigani cusub loo dhisay sidii uu u caawin lahaa dadka ku dhibaateysan gobollada Jubooyinka.

Deegaanada loo yaqaan jooraha ee ku yaal galbeedka gobolka J/hoose isalamarkaasina ah deegaanada ugu badan ee ay ku noolyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ayaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto dhibaato aad u daran oo ay keentay abaarta, dadka ku dhaqan deegaanadaasi waxa ay u badanyihiin kuwo dhaqda Lo’da oo iyadu ah xayawaan aad ugu nugul oonka iyo gaajadaba.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo maamulka xarakada Alshabaab ee jubooyinka uu magacaabo guddi kahortaga Abaaraha, dabayaaqadii sanadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii maamulka gobollada Jubooyinka uu sidan oo kale u magacaabay guddi ka hortaga abaaraha, kaa oo mucaawino isugu jirtay biyo iyo raashiin gaarsiiyay dad ay saameyn ku yeelatay abaartii jirtay sanadkaasi.

Xigasho HOL

Allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s