Shabaab iyo dowladda oo maanta ku dagaalamay Boondheere.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta ka dhacay Xaafado ka mid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir iyadoo dagaaladaasina ay sababeen dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

Dagaalkaani ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen xaafado ka mid ah degmada Boondheere ee gobolka Banaadir waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka qarxay dagaal culus oo fool ka fool ah.

Labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsanayay hub cul culus iyadoo ay dagaalka bar bar socden madaafiic cul culus, kuwaasi oo waxyeelo soo gaarsiisay dad rayid ah oo aan waxba galabsan sida Idacada Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhigtayhal qof iyadoo 2 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo ku haray xaafadaja degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dhawaqa hubka culus ee ay is weydaarsanayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa laga maqlayay meelo ka baxsan xaafadaha lagu dagaalamayay, waxaana tiro madaafiic ah maanta duhurkii ay ku dhacday Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga ilaa iyo hadda qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyadoo dhinaca kalana wali aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab oo ku aadan dagaalkii maanta ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay laba jibaaray weerarad ay ku soo qaadayaan fariisimaha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyadoo taasina ay keentay in ay sii korarto dhimashada iyo dhaawac dadka rayidka ah ka soo gaareysa dagaaladaasi.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s