Ciyaaraha gobollada oo bilaabmay

Xafladdan hordhaca ah waxaa si wayn uga muuqday ciyaartoyda dhallinyarada ah ee gobollada kuwaas oo watay dharkoodii ciyaaraha oo midabbo kala duwan leh waxaa kale oo xafladdan hareeyay madaxda kala duwan ee sportiga qaybihiisa kala duwan haddii ay yihiin kuwa xiriirka kubbada cagta iyo madax kale oo ka socotay guddiga olombikada Soomaaliyed.

Duqa magaalada Garowe C/casis Nuur Cilmi ayaa si diirran caasimadda Puntland ugu soo dhoweyay dhammaan ergooyinkii gobollada iyo madaxda kale ee ka timi degaannada kala duwan ee Soomaaliya ee maanta ka qaybgalay xafladda hordhaca looga dhigay furitaanka ciyaaraha gobollada.

Masuuliyiinta xiriirka kubada cagta ee Soomaalidu waxay tilmaameen in qabanqaabada tartankan 18aad ee ciyaaraha gobollada waxaa laga soo maray hawlo kala duwan oo waqti dheer qaatay sida ay sheegeen waxana maanta lagu tilmaamay maalin taariikhi ah oo lagu xusuusan doono qabashada ciyaarahii gobollada Soomaaliya muddo 22 sano ka dib sida uu sheegay xogyaha guud ee xirka kubbada cagta Soomaaliya C/qani Sicid Carab

Guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta Siciid Maxud Nuur Mugambe oo isagana ka mid ahaa dadkii kaalinta wayn ka qaatay qabanqaabada tartankan ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo suuragelin doonta is-dhexgalka dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan weligood is arag ama aan kulmin fagaare noocaan oo kale ah.

Intiii ay socotay xafladda hordhaca ee tartanka kubbada cagta ee gobollada Soomaaliya waxaa si wayn loogu bogaadiyay maamulka Puntland oo isgu martigeliyay tartankan taas oo lagu tilmaamay tallaabo macna wayn ugu fadhida Soomaalida oo dhan.

Wasiirka dhallinyarada iyo sportiga Puntland Max’ed Nuur Cagwayn oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgashay xafladaas ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leeyihiin ciyaaraha gobollada isagoo dhinaca kalana aad ugu dheeraaday arrimaha la xiriira xagga nabadgelayda iyo in dadka faraha badan ee magaalada isugu yimi ay arrintaas gacan ka gaystaan.

Maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in ciyaarta ugu horraysa ay ka billaabato garoonka Mire Awaare Stadium ee magaalada Garowe kaas oo ay ku kulmi doonaan sida qorshuhu yahay labada gobo lee Nugaal iyo Shabeellada hoose.

Hase ahaatee ciyaarta ka hor waxaa ku talagalku yahay xaflad ballaaran oo isugu jirta mahrajaan ay ka qaybgalayaan ardayda dugsiyada ee magaalada Garowe iyo ciyaaro kala duwan sida ay BBCda u sheegeen masuuliyiinta guddiga qabanqaabada tartanka gobolada.

xigasho bbc

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s