Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo maanta u ambabaxay dalka Itoobiya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo booqasho ku joogay dalka Jabuuti, ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhoofay dalka Itoobiya, isagoo ka ambabaxay garoonka Jabuuti.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha, oo booqashadoodii Jabuuti ay ahayd ahayd mid laba casho ah, ayaa waxay kulammo la qaateen madaxda dalkaas, iyagoo sheegay inay kala hadleen xaaladda dalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jabuuti, iyo xubnaha Jabuuti, waxaan kala hadalnay xaaladda dalka Soomaaliya iyo howsha hortaalla xukuumadda, runtiina waan uga mahad-celinnay taageerada aan kala go’a lahayn ee ay la garab-taagan yihiin Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo oo ka warbixiyay kulan ay la qaateen madaxda Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa, ayaa waxaa kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha ee dalka Jabuuti xubno uu horkacyo ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Dileyte Maxamed Dileyte.

Mudane Farmaajo iyo wafdigiisa, ayaa dalka Itoobiya kaga qaybgalaya shir ay soo qabanqaabisay Qarammada Midoobay oo looga hadlayo Federaalka, sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka xukumadda Cabdi Xaaji Goobdoon, wuxuuna sidoo kale la kulmi doonaan inta uu ku sugan tahya Addis Ababa ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddaas.

Waa markii ugu horreysay, oo uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tago dalka Itoobiya, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkan, iyadoo sidoo kale booqashadii dalka Jabuuti ay u ahayd tii ugu horreysay oo uu dalkaas ku tago.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s