Madaxweyne Sheekh Shariif oo ka furay magaalada Muqdisho taliska ciidanka dowladda Sooomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta xarigga ka jaray taliska ciidammada dowladda, kaasoo noqonaya barta laga xukumo ciidanka kala duwan ee dowladda.

Xarunta laga dhigay taliska ciidammada dowladda, ayaa laga dhigay Villa Baydhabo, oo ku taalla xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Madiina, isagoo ka guuddoomay salaan sharaf intii uusan xarunta furin ciidammada dowladda Soomaaliya.

“Taliskan, waxaa laga maamuli doonaa howlaha ciidammada, waana ku faraxsanahay inaan maanta furo,” ayuu yiri madxweyne Sheekh Shariif oo garabkiisa uu taagnaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, ahna sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.

Furitaanka xaruntan, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; taliyaha ciidanka Badda Gen. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), abaanduulaha milateriga C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), taliya ciidanka cirka iyo saraakiil kale.

Madaxweynuhu, wuxuu khudbad uu jeediyay ku sheegay in ciidammada looga baahan yahay inay soo celiyaan ammaanka guud ee dalka, ayna howshaas kusoo muddo yar, isagoo codsaday in dalka oo dhan gacanta dowladda lagu soo celiyo.

Xaruntan, la furay ayaa waxay imaanaysaa iyadoo madaxweyne Sheekh Shariif uu kulan la qaatay shalay wasiirrada dowladda, isagoo kala hadlay in ammaanka si deg-deg ah lagu soo celiyo, isla markaana wasiirradu ay ogolaadaan in lala xisaabtamo.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s