Ciidammo uu hoggaaminayo mudane baarlamaan oo is-hortaag ku sameeyay howlaha dekedda Muqdisho

Ciidammo uu hoggaaminayo xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta joojiyay howlihii dekedda Muqdisho, kuwaasoo diiday in dekedda laga soo baxo lana galo.

“Dekeddu waxaa awood ku haysta koox yar, inta laga ogaanayo halka ay marto lacagta kasoo xaroortana waa xirnaanaysaa,” ayuu yiri xildhibaan Furux oo ku sugan gudaha dekedda Muqdisho u sheegay saxaafadda.

Mudanaha, ayaa ka gaabsaday inuu sheego kooxda awoodda ku haysata, isagoo xusay in inta kooxdaas ay dekeddu xirnaanayso, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, oo ay u tahay isha keliya ee ay ka hesho dhaqaalaha u badan.

Xamaaliga dekedda Muqdisho, oo qaarkood ay ku sugnaayeen dibadda dekedda, ayaa sheegay inay ciidammada goobta qabsaday ay ku wargeliyeen inaysan gudaha u geli karin, sidoo kalena aysan dhici karin in dekedda ay cidi kasoo baxdo.

“Baabuurtii rarka la saaray iyo shaqaalihii dekedda qaarkood ayaa gudaha ku jira, waana loo diiday inay dibadda u baxaan, mana garan karno sababta keentay inuu mudanuhu dekedda qabsado,” ayuu yiri mid ka mid ah xamaaliga dekedda.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoo ciidammadii diiday in howlaha dekeddu sii socdaan, ay ku sugan yihiin gudaha iyo albaabka hore ee dekedda, iyadoo ammaanka guud ee dekedda ay gacanta ku hayaan ciidammada AMISOM.

Ma jirto, tallaabo ay illaa iyo hadda qaadeen ciidammada AMISOM, waxaana ku xiran dekedda dhowr markab iyo doomo sida ganacsi kala duwan oo ay ku jiraan gaadiid, bagaash iyo raashin. Waxaana warar hoose ay sheegayaan inay socdaan wadahadallo xiisadda lagu qaboojinayo.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s