Dawlada Somalia oo Ciidan loo Tababaraayo

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay heshiis la gasho Shirkad gaar ah oo u tababarta Ciidankeeda Badda oo la dagaalami doona kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo wareysi siinayay Wakaalada wararka AP ayaa sheegay in Shirkadaas ay tahay mida hadda Ciidanka Badda Puntland tababarayso oo lagu magacaabo SARACEN International.

Wuxuu sheegay in Dawladda ay doonayso in Ciidan gaaraya 1,000-askari lagu tabbabaro magaalada Muqdisho,tababarka kadib ay weeraro ku qaadi doonaan fariisimaha ay Burcadbadeeda ku leeyihin dalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in Dawladda ay go’aan kasoo saari doonto qorshahaan saddexda asbuuc ee soo socota,iyadoo Dawladda ay sidoo kale doonayso in loo tababaro 300-askari oo kamid noqda ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirkada SARACEN International oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika waxaa ay xilligaan wada mashruuc ay ku tababarayso inka badan 1,000-askari oo ah Ciidanka Badda Puntland oo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Burcadbadeeda iyo tahriibta.

Bishii lasoo dhaafay waxaa tababar soconaysay saddex bilood loo soo gaba gabeeyey cutubkii ugu horeeyey ee Ciidanka Badda Puntland oo gaarayay 154-askari,waxaana maalmo kahor sidoo kale tababar loo furey 220-askari oo noqonaaya cutubka labaad ee Ciidanka Badda Puntland.

Maamulka Somaliland ayaa shalay sheegay in ay qabteen diyaarad qalab milateri usoo waday Puntland,waxaana weli wax war ah kasoo bixin Dawladda Puntland.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay shirkadda tababarka bixinaysa oo Ciidanka Badda Puntland tababaraysa,iyadoo Qaramada Midoobay ay soo dhoweysay.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s