Bali-Dhidhin oo Degmo Laga Dhigay

Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyey degmo cusub oo ka tirsan gobolka Bari iyo Wasiirka Amniga Dawladda Puntland.
 Inka badan 40-Xildhibaan ayaa maanta fadhi ku yeesheen magaalada Garoowe,waxaana hor yimid Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr.


 
Wasiirka amniga ayaa kahor inta aan la ansixin khudbad kahor jeediyey Baarlamaanka waxaana uu ka sheekeyey taariikh nololeedkiis,wuxuuna ka codsaday mudaneyaasha in ay siiyaan xasaanada.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa intaas kadib ku dhawaaqay natiijada Baarlamaanka,waxaana uu sheegay in kulanka maanta ay kasoo qaybgaleen 42-mudane iyadoo dhamaantood siiyey codka kalsoonida Wasiirka Amniga Gen.Yuusuf Axmed Kheyr.
 
Dhinaca kale  Xildhibaanada waxaa ay sidoo kale maanta ansixiyee degmo cusub oo lagu magacaabo ‘Balli dhidhin’ oo ka tirsan gobolka Bari,waxaana hore usoo gudbiyey Baarlamaanka Dawladdi Madaxweynihi hore Gen.Cadde Muuse.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s