Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ku dagaalamay Buur-hakaba.

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo ciidamada Ururka Xisbul Islaam ayaa iminka waxaa uu ka soconayaa degmada Buuur-hakaba ee gobolka Bay. 

Dagaalkaani oo bilaawday aroorinimadii hore ee saakay una dhaxeeya ciidamo ka tirsan Xarkada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii halkaasi ay saakaay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam.

Dagaalka oo xoogiisa ka socda duleedyada degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa waxaa an la ogayn ilaa iminka qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Goobaha ganacsi iyo dhaq dhaqaaqyadii adeegyada bulshada ee degmad Buur-Hakaba ayaa lagu soo waramayaa in saamayn uu ku yeeshay dagaalka ka socda Xaafado ka mid ah degmadaasi.

Inkastoo dagaalka uu wali socdo ayaa hadana waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo sheegay in magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ay dhinacyada ka kala fadhiyaan duleedyada magaaladaasi, halka wararka qaarna ay sheegayaan in ciidama Xisbul Islaam ay la wareegeen gacanta ku haynta degmadaasi oo ay todobaad ka hor ay Al Shabaab ka qabsadeen.

allcaseyr.net

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s