Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay.

Waxaa maanta la horkeenay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka Bari Cabdifataax Jaamac Mire agaasimaha Horseed Media oo 22-kii casho ee la soo dhaafey ku xirnaa Xabsiga weyn ee magaalada Bosaso, kadib markii lagu xukumey 6 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed, taas oo uu ku muteystey waraysi ay idaacaddu ka qadey nin dagaal kula jira maamulka Puntland Shiikh Maxamed Siciid Attam.

Maxkmadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dadweyne aad u faro badan dhamaan suxufiyiinta ka hawlgala Bosaso, saaxiibada Cabdifataax, Qaraabadiisi iyo weliba garyqaano badan oo u doodaayey Cabdifataax Jaamac Mire.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadley Xeer-ilaaliyha Maxkmadda waxa uu soo gudbiyey dacwadda uu ku soo oogay Cabdifataax Jaamac Mire, waxaana uu sheegay in Cabdifataax uu qabtey qodobka 220 oo ah Qaran dumis kadib markii uu waraystey nin cadow ku ah Puntland.

Sidoo kale waxaa ka hadlwey maxkamadda Qareenada difaacaayey Cabdifataax, kuwaas oo kala ahaa Avv. Siciid Cismaan Dhegamadow iyo Avv. Xareed, waxaana ay ku muujiyeen dacwadooda in aan Cabdifataax gelin denbi ah Qaran dumis, isla markaana ku muteysan karin xabsi caynkaas ah iskaba dhaaf in la xiree in sharciga lagu xirey uu yahay mid aan dastuuri ahayn loona baahan yahay in Cabdifataax isla maanta uu helo xoiriyadiisi, dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ayaa aad ula dhacay qaabka ay qareenado difaacooda u soo diyaariyeen.

Guddoomiyaha Maxkmadda Rafcaanka gobolka Bari ayaa intaas kadib hadalkii siiyey Dhibane Cabdifataax Jaamac Mire agaasimihii Horseed Media waxaana uu weydiiyey sida uu arko xariga lagu xukumey in uu muteystey iyo waxa uu ka dalbanaayo Maxkmadda.

Cabdifataax Jaamac Mire ayaa sheegay in waraysiga lagu xirey aanu ahayn mid uu ku muteysan karo xarig, waxa uu sheegay in waraysi kale oo inta ka dheer oo lala yeeshay Maxamed Siciid Attam in Raadiyaha laga siidaayey, waraysigaas oo lagu qaadey Paltalk isla markaana la soo geliyey Internetka isla markaana Madaxda Puntland ay waraysigaas soo wada qaateen iyaga oo sheegaaya in Attam al-Shabaab yahay, waxaana kamid ahaa Madaxda tusaalaha waraysigaas u soo qaatey Madaxweynaha Puntland, cid nagu xirteyna ma jirto waraysigaas, kana waa sidoo kale waraysi caadi ah ayuu ahaa. Cabdifataax ayaa Maxkmadda ka codsatey in xoriyadiisa dib loo siiyo.

Markii Cabdifataax sidaas sheegay waxaa gooni isula baxay Xaakimiintii Maxkmadda ee go’aanka gaari lahaa, waxaana ay wada tashi kadib soo fariisteen dadweynaha hortooda, waxa ay sheegeen in dacwadda uu soo oogey xeer-ilaaliyuhu aaney ahayn mid dhamaystiran, waxaana ay amar ku siiyeen in Xeer ilaaliyuhu in uu la yimaado dacwad dhamaystiran midda hadda uu soo ogeyna aysan ahayn mid dhamaystiran, sidoo kale waxa ay  go’aan ku gaareen in Cabdifataax  xabsiga lagu sii hayo.

Maamulka sare ee Horseed Media Mahad Muuse Axmed iyo Eng.Ismail Haji Said ayaa mar kale sheegay in cabdifataax Jaamac Mire uu ku xiran yahay sifo aan sharci ahayn, Mahad Muuse Axmed ayaa sheegay in ay muujiyeen dulqaad iyo deganaansho weyn, si kasta oo arintan lugta loo jiido waxa ay ku dhamaan doontaa guul iyo Cabdifataax oo hela xoriyadiisi maalmaha soosocda.

xigasho Horseed Media

allcasayr.com

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Agaasimaha Horseed Media Cabdifataax Jaamac Mire oo Maxkmadda Rafcaanka La Horkeenay.

  1. SC WAXAA LAYAAB AH IN WADA TASHI DABDEED AY KU GAAREEN GO’AAAN XAAKIMIINTIII IN DACWADU AANY DHAMASYS TIRAYN …HADABA MIYAANAY AHAYN XAAKIMIINTU LAFTOODU KUWO AAN SHARCIGA WAXAB HABA YARATEE KA GARANAYAN …DHAMYSTIRKA DACWADA WAXA AY RABAAN EE KA DHIMAN IN NINKAN JEELKA LAGU SII HAYO SAW MAAHA MID IYAGU GARANAYAAN DABDEEDNA AY RANBAAN INA XEERILAALIYAHA HADHAW AFKA U GALIYAAN OO YIRAAHDAAN WAAR WAXAANAAA KAA DHIMANE LA IMAW….HADDII AY HADLKA U DHIGI LAHAAYEEN XEER ILAALIYAHAA CODSADAY IN DIB LOOGU DHIGO DACWADA WAAYO WAXABAA QABYA KA AH WAXAA XATAA LAGU SIIDAYNAYAA DAMIIN AMA MID AH GURIGAAGA KAM BIXI KARTID LAAKIIN IN LAGU SII HAYO MEESHA SHARCIBA MAAHAYN.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s