Siyaasiga caanka ah ee puntland eng.faarax dooxajoog oo ku baaqay in puntland ay siidayso eng.cabdifataax jaamac mire sida ugu dhakhsiyaha badan.

waxaan baaq u soo gudbinayaa maamulka sare ee dowlad goboleedka PuntLand
waxaan leeyahay wax baa socda, sida wax u socdaana waa ila qaldan yihiin aniga.
waxaan oran lahaa bal dib wax u eega, leymanka dhexdooda akhriya, hoos ahaan wax isu weydiiya,
waxaan qabaa wax walba xal bey leeyihiin, ee raadiya xalka toosan.
bal aan dib u jaleecno wixi dhacay ama dhacaya:

  • Amaan daro joogta ah
  • dilaal qorsheysan
  • kooxo diimeedyo ayaa sameysmay ee dagaal halala golo ayaa la leeyahay.
  • waxaa la galay dagaal aan loo baahneyn oo dan gaar ah laga leeyahay
  • waxaa dhintay dad fara badan, waxaa bara kacay dad badan
  • waxaa hakad galay dhadhaqaaqi ganacsi
  • waxaa dhacay dagaal beeleedyo
  • waxaa masaafurin xarig iyo jir dil lagula kacay, dadki ka soo bara kacay koonfur ee puntland u soo raadsadey nabada iyo maciinka.
  • waxaa la hilmaamey dhulka(gobolada iyo degmooyinka)  ka maqan Puntland, cid ka hadleysaana majirto, waxaabase lagu timaamey, falaago iyo qaswada yaal kuwi u dagaalamayey.
  • waxaa la hilmaamey wax ka qabashadi arimaha bulshada iyo horumarki.
  • waxaa caado u noqotay maamulka ku xadgudubka, xariga, jir dilka iyo hanjabaada joogta ah ee lala dabagalay saxaafada xorta ah.

Waxaan leeyahay”Ninka aan garan waxa soo socda waxa joogana ma garan karo” arintu waa “shaxdi aan degeyba maad garan” sidaa darteed waxaan idin kula talinayaa in aad arimaha dib u eegtaan, raadisaan xalka haboon, sida hada wax ku socdaan waxay dhalin doontaa burbur iyo cawaaqib xumo dambe. anigoo ka mida wax garadka Soomaaliyeed, aqoon dheeraad u leh dadka iyo degaanka, u dhuun daloola siyaasada dalka, la socda meesha wax marayaan waxaan leeyahay ma garan maamulka hare “meesha laxdu ka quruntay”.
waxaan kaloo aan ku tali nayaa in si shuruud la’aan ah lagu siidaayo agaasimihi idaacada Mr. Abdifataax Jamac, oo ah aad u firfircoon, aqoon leh, waayo arag weyn u ah warbaahinta dalka. bal ha la isweydiiyo wax lagu xiray “Waresi” baa la yiri, goorma ayaa la baarey, yaa xogta soo ururiyey, ninka la yiri waa wareystay sow nin wadani ah, puntlandeys ah xaq u leh in wax la weydiiyo lana wareysto ah sow maaha.
Puntland ma waxay noqotay “Ama afkaaga qabso ama afgooye aad”. waxaan hubaa in ay idaacada iyo websidka Horseed Mediaba ay ka mid yihiin kuwa wararka u soo gudbiya si hufan oo tafa tiran kana fog waxyaabaha xun. sidaa darteed ha la siidaayo hana la raali geliyo. hada iyo ka dibna ha xaqdowro hana la xushmeeyo saxaafada xorta ah.

Farax M. Yusuf (Dooxajoog)

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “Siyaasiga caanka ah ee puntland eng.faarax dooxajoog oo ku baaqay in puntland ay siidayso eng.cabdifataax jaamac mire sida ugu dhakhsiyaha badan.

  1. jacfar

    waxaan jeclaan lahaa ninka halkan isku soo sharaxay in uu marka hore bal naftiisa uu saxo oo uu meel fiican ku ogaado. nin naftiisa sixi waayay dad kale wax kama qaban karo. ileen odaygan waa wada naqana waxa uu gudo iyo waxa uu galo.
    dawaca kastaaa hilibkay rabtaa waa cayrsan kartaa. laakin ma heli kartaa xageese umartaa kix kix kix

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s