War Deg Deg ah:Ciidanka Puntland oo lawareegay Deegaanka Galgala.

Wararkii udanbeeyey ee laga helayo Deegaanada ku dhowdhow magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kusoo waramaya in Ciidamada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ay goordhaweyd si rasmi ah ula wareegeen Deegaanka Galgala oo mudo dheer Puntland ay ku tuhunsanayd hooyada Dhibaatooyinka Puntland ka dhacaya.

Sarkaal sare oo katirsan Ciidamada Daraawiishta ee dawlada Puntland ayaa goordhaweyd allcasayr  si rasmi ah ugu sheegey in Ciidamada Puntland ay mardhaweyd la wareegeen Deegaanka Galgala iyagoonan wax iska caabin ah kala kulmin Malayshiyaadkii Alshabaab ee halkaas ku dhuumaalaysanayey.

Khadka Isgaarsiinta ee deegaanadii shalay ay dagaaladu ka dheceen ayaa imika jaran,waxaana halkaas laga gooyey guud ahaan Isgaarsiintii Caadiga ahayd,Iyadoo APL ay isku dayday inay la xiriirto Kooxdii Dawlada Puntland la dagaalamaysay hadana ma suurtoobin isgaarsiinta oo saamixi weyday owgeed.

Wararkii udanbeeyey ee deegaanka laga helayo ayaa kusoo waramaya in saaka markale Madaxweyne dawlada Puntland & Tiro Wasiiro ah oo uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland ay saaka halkaas gaareen islamarkaasna ay Hogaaminta ciidamada deegaankaas u tageen si ay uga nadiifiyaan Kooxihii la dagaalamayey.

allcasayr.com

1 Comment

Filed under NEWS

One response to “War Deg Deg ah:Ciidanka Puntland oo lawareegay Deegaanka Galgala.

  1. Yuusuf Cali

    Ninkan soo qoroy articlekan cinwaankiisa uu yahay “Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybti 5aad W/Q Xareed Saalax ” waan in uu san maqaal kale oo jeebkiisa ah loo ogolaan in uu ku soo qoro website-kan waayo wuuxu dad ka dhaadhicinayaa in ay Baargaal khawaarij daganaan jirtay. Hadiise loo ogolaado nacnacdiisa waxaa ka fahmi doonaa in a leedahay website-kan “wahaabiya” ama urur dimayd.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s