Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybti 5aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe

Weligoodba culimada Soomaaliyeed waa is kala kooxayn jireen! Markastana kooxaysigani wuxuu ka soo unkamayey xiriirka dibadeed ee islaamnimo. Farqiga u dhexeeya qaabka is-kala-sooca ee wadaadadada, taariikhdii hore iyo iminka, waxaa ka mid ah qaab dhismeedka kooxaha iyo magac la bixidda.

Casrigan danbe, qaab dhismeedka kooxo diineedyada Soomaaliya aad ayuu maamul ahaan u habaysan yahay. Magacyada ay la baxayaanna waxay ka tarjumayaan, badanaa, dhaqan siyaasadeedkooda ama afkaarta ay gudbinayaan. Labadaas qodoba kooxo diineedyadii hore ma lahayn.

Dhinac kasta oo laga eegoba, khilaafka u dhexeeya Culimada Soomaaliyeed, heer kasta ha gaarsiisnaadee, goor kastana ha joogee, waa mid nasiib daro aad u wayni ku dhereran tahay! Haddii ay qadyado fudud ama aragtiyo gaar ah isku maandhaafeen, waxay la noqotay in tiirarkii waawaynaa iyo walaalnimadii islaamnimadu ay tahay bar-kuma-taal! Markaas ayay birta iska asleen, taariikh hore iyo mid danbe. Kaba darane, inta ay xaalada gaarsiiyeen ‘cadawgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa’ ayay gaalo isu kaashadeen oo isku jebiyeen.

Mid ka mid ah waxyaabaha ay wadaadada Soomaaliyeed ku kala tageen ayaa waxay tahay: xusaska la gooreeyo ee lagu maamuuso Culimadii hore ama Odayaashii ay ka soo farcameen lafaha waawayn ee qabaa’ilada Soomalida. Kuwaas oo waaya-hore god galay.

Dhacdo qosol leh oo arrintan la xiriirta, taariikh horena loo soo joogay,  aan idiin soo qabto.

Xuska C/qaadir Jeylaani[1] iyo Reer Xaafuun

1950aadkii ayaa koox wadaado ah oo reer Xaafuun ah, sida caadada u ahayd , waxay qabteen xuskii C/qaadir Jeylaani … inta meel gaar ah iyo waqti gaar ah kulanka loo cayimo, ayaa lagu xoola qashaa, qasiidooyin ammaan ah laga jeediyaa, duco Eebe iyo duraansi Aadami la isku daraa … dabcan siyaarada culimaduna soo hoobataa!

Magaalada Xaafuun xilligaas waxay ka mid ahayd talisyada waawayn ee gumaystuhu wadanka uga arrimiyo. Dariiqada[2] xuska samaynaysay waxay u arkeen fursad in ay awooda Talyaaniga uga faa’idaystaan kasoo qaybgalka Siyaarada. Ciddii ka hor timaadana la ciqaabo.

Meel fogba mucaaradka kama doonine, waxay Dariiqadi is tustay wadaado jilib culus ahaa oo Baargaal oo la deris ah ka culimo ahaa, xusaska awliyada iyo arrimaha la mid ka ahna aan ogolayn, ummadana ka abhiya,  inay ku sanduleeyaan xuska Shiikha.

Dacwad Ku Socota Talyaaniga

Dariiqadi reer Xaafuun waxay dacwad ka dhan ah wadaadada Baargaal fadhiya u gudbiyeen madaxdii Talyaaniga. Waxay ku tirtirsiiyeen in culimadaasi diidmadooda ku aaddan xuska C/qaadir Jeylaani ay xiriir la leedahay santaag mucaaradnimo oo ay u hayaan Talyaaniga. Sidaa awgeedna, aysan ahayn raaciyo[3] hogaansan.

Wadaadada Baargaal Waa Xarig!

Talyaanigi hadduu wax male-awaalay, run u la muuqatay. Awalki horeba waa iyagii reer Baargaal dagaal gumaysi diid ah oo kharaar kala hortagay. Markaas qoonsimaad hore gaalku waa qabay.

Talo waxay ku soo ibo-beeshay: in ciidamo lagu soo baxsho oo xabsi loo taxaabo wadaadadada Baargaal fadhiya. Iyagoo warma-qabto ah ayaa la qabtay oo Xaafuun loo dareeriyey! Waxay dalanbaabi socdaanba Xaafuun ayaa la geeyey. Markii la xiray ayaa looga waramay sababta loo haysto.

Yaabka Yaabkiis!

Wadaadadi xirnaa markii loo waramay waa fajaceen! Ma gaal ayay arrin diiniya sugnaanshiiyeheed kala xaajoon karaan? Gabyaa[4] caan ahaa ayaa wuxuu ku maansooday:

Mufti shiikh ah madal laysu yimid, culimmo maageeran
Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mari-waayo
Ma’wiga laga cabbiyo waa muqniga, inan ku laabtaaye
Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane

Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye

Sida gabyaagu sheegaayo, wixi aan wax aqoon waa la marin habaabiyaa. In wax laga dhaadhiciyaana waa adag tahay. Gaal kaa taag roon in mas’alo diini ah uu kaaga gar qaato saw kama sii xag jirto?!

Hunu Hunu iyo Heshiis Hoosaad

Rag talo kama dhamaato e, wadaadadi reer Baargaal afkay is gashadeen. Waxaa la gudoonsaday inaan arrintan diin ahaan siday sax ama khalad ku tahay laga hadlin. Balse dhinaca kale xaajada loo rogo. Waxaa la is la fahmay: mar haddii Sh. C/qaadir Jeylaani uu yahay reer Ciraaq (waqtigaasna wadanka Ciraaq waxaa gumaysaneyey Ingiriis, Talyaaniga iyo Ingiriiskuna waa isu col) Markaas in sababta reer Baargaal u diideen xuska ay tahay in wadaadku yahay “raaciyo Ingiriis, iyaguna yihiin raaciyo Talyaani”.

Warkii ayaa Gumaystaha lagu shubay! Intuu madaxa ruxay ayuu wadaadadi reer Xaafuun u yeeray. Si dhib yar ayuu wuxuu u waydiiyey: wadaadka la xusayo meesha uu ku dhashay iyo cidda uu yahay? Iyana beer laf kama filane sidii Ilaah ku ogaa ayay garansiiyeen.

Is Kala Bedela!

Gaalki intuu carooday ayuu wuxuu degdeg u amray in wadaadada xiran ee reer Baargaal la sii daayo, oo lagu bedelo wadaadada reer Xaafuun …..kkkk…. Mar qura ayaa sheekadi la wada maqlay. Waxay noqotay maad iyo madadaalo la is ku  xifaaleeyo.


[1] Wadaad ka mid ah culimadii hore ee islaamka oo reer Ciraaq ahaa, oo suufiyada soomaalidu xusi jirtay.

[2] Koox diineed

[3] Dadka in la gumaysto ku raali noqda

[4] Cali Cilmi Afyare

allcasayr.com

4 Comments

Filed under NEWS

4 responses to “Qosol iyo Qisooyin Hore Qaybti 5aad W/Q Xareed Saalax Cadaawe

  1. Asc run ahaatii waa qiso yaab leh muujineysana gaalo gaalmeysiga suufiyada kuwi hore iyo kuwa hada joogaba iyo necbaanta sunada nabigeena nooga tagay (scw) kuwa sameeyana siyaarada biliqo doon iyo hilib raadis wcs

  2. liban

    asc horta waxa isweydiin mudan inwadaad la xuso iyadoo waliimo loo sameynaa waqtina loo yeelo. daliil cad malloo hayaa, haddii aannahay umad islaam ah waxan lee nahay sharci na huggamiya ee waa in lahelo aayad ama xadiith caddaynaya. Takale yaa wanaagsan khofkii wanaagsan oo owliyo ah in wax looqalo oo xadro looqado iyo in wanaagga looga daydo oo kudayasho wanaagsan laga dhigto?.

  3. Yuusuf Cali

    Qisadan waxaan ka fahmi karnaa inay tahay mid la alifay. Culimada baargaalse wax maka yaqaanayn minhaajka iyo mugniga aad ka hadashay mase taqaanaa shiikhii alifay kutubkaas. Waxaa hubaal ah culimadii hore oo ogolaa xuska nabigayna Mohamad ah naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee iyo awliyada ilaahay in ay ogolaayaan Baargaalna laga xusi jiray awliyada xiligaas aad sheegayso. Waxaase u dan leedahay in aad owliyada wax un ka sheekto. Kutubta gabayga looga hadlayse cidaa u janjeerto ma aqirstaan horta.SXB waa lagaa cilmi badan yahay waana lagaa yaqaan taariikhda ee sheeko jacayl asxan maad ka hadasho. seek as nega.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s