Ururka Shahed oo Lagu doonsiiyay buugaag+Sawiro

Waxaa maalinimadaa axada tarikhduna ahayd 25/7/2010, xarunta wayn ee Puntland library and resource center (PLRC), lagu gudoonsiiyay ururka geeska soomaaliya ee horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka , SOMALI HORN ASSOCIATION FOR HEALTH AND EDUCATION DEVELOPMENT, (SHAHED). Buug, buugtaan oo isugu jirta maadooyinka lagu qaato dugsiyada sare iyo kuwa macaahida iyo waliba jaamacadaha  oo noocyo kala duwan ah



Madaxa xafiiska maamumlka Hay’ada SOMALI FAMILY SERVICE,   mr: Abdulaahi Ali Farah, iyo Madaxa Library ga Mr: Ibraahim Mohamed Duale ayaa sida wadajira u gudoon siiyay ururks (SHAHED) buugtan, halkaasoo uu ka gudoomay madaxa qeybta waxbarashada ururka shahed Mr. Abdirisaq Omar Salah.


Mr, abdirsaq ayaa si kooban u faahfaahiyay waxtarka iyo faaidaada ay u leedahay  buugatani ururka SHAHED isagoo halkaas ugu mahad celiyayi waxa kale oo uu  sheegay in ay si weyn uga faa’iidaysan doonaan buugtan isagoo ku daray in ay buugtani wax ka tari doonto kor u qaadida aqoonta ardayda  Hoos yimada uruurkooda ., sidoo kalena ay tixraac wanaagsan oo ay cashar diyaarin ka sameeyaan ay u noqon doonaan buugtani macallimiinta wax ka dhiga dugsiga, maxadyada iyo jamacadaha


Isaga oo halkaas ku sheegay in buugta uu gudoomay ay kooban yihiin  10 kartoon oo isugu jira sidan:

Mathematic

English

Social study

Chemistry

General books

Marketing

Information technology (IT)

Health

Literate


Si kastaba ha ahaatee Puntland Library and Resource Center oo horay ugu caan baxaday in ay ka caawiso ardada puntland ee dugsiyada Sare, College-yada iyo Jaamacadaha dhigata buug iyo goobo ay wax ku akhristaan ayaa imminka waxay sii ballaadhisay waxqabadkeedii iyadoo deeq buugaag iyo agab waxbarasho gaadhsiinaysa meelo ka baxsan goobaha ay xarunta ku leedahay


Waxaana muuqata in ururka SHAHED oo dhowaan la asaasay ay ka muuqato in uu dardar xoog leh ku wado shaqadiis isagoo aaminsan iy ay hawl badani sugayso meelaha uu rabo inuu wax kaqabtana ay aad uliitaan sidaas darteedna uu sifiican u shaqaynayo..

boosaaso

allcasayr.com

Leave a comment

Filed under NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s